Wada hadaladii Somaliland iyo KHaatumo u dhaxeeyey oo qodobo laga soo saarey.

0
412

Wada hadaladii ay lahaayeen maamulada Soomaaliland iyo Khatumo ayaa laga soo saaray qodobo la sheegay in labada dhinac isku afgarteen.

Qodoban ayaa dhinaca kale muujinaya in wali wada halada sii soconayaan oo aysan dhamaan.

Qodobada ayaa u dhignaa sidan :

1- Waxaa la isla qaatay in si sugan looga wada Shaqeeyo Arinta Nabadaynta, ee u dhaxaysa Beelaha Walaalaha ah ee ( Bahar-same iyo Qayaad ) Si Buuxdana loo taageero oo la Garab istaago Gudiga Nabadaynta ee Howshaa Gacanta ku haya.

A- In wixii Faro-gelin ah Gudaha iyo Debedaba ee wax yeelayn Kara Nabadaynta Labaasi Beelood meel looga soo Wada jeesto.

2-Waxaa si Buuxda la iskula Qaatay In howlaha Abaaraha iyo Horumarinta Deegaanadaasi la isga Kaashado si wada Jir ah.

3- Waxaanu Si wada Jir ah ugu Baaqaynaa in Hay’adaha Caalamiga ah iyo Kuwa Maxaliga ahba inay ka Howlgalaan Dhamaan Gobolada iyo degmooyinka aanay Hore u tagi Jirin, Halkaasi oo imika ayna wax Nabad-gelyo Daro ah ka Jirin, Loona sameeyo Gudi wada Jir ah.

4- Waxaa la iska gartay in maamul daadejintu aasaas u tahay Nabad ku wada Noolaanshaha iyo Kobcinta Awooda Bulshada, Sidaas Darteed waa in la gaadhsiiyo oo laga Abuuro Maamul iyo adeega Bulshada meelaha Aanay hore uga Jirin, Hay’adaha Samafalkuna ay doorkooda ka qaataan.

5- In meel looga soo wada jeesto wax kasta oo Caqabad ku Noqon kara Hanaanka Wada-hadalka Labada dhinac.

6- In wixii dhiig iyo Dhaqan ku saaabsan lala Kaashado Odayaasha dhaqanka si wada Jir ah.

7- Waxaa la isla qaatay in gudiga Farsamadu soo diyaariyo Shirka Danbe, Soona Cayimo Goorta iyo Goorta Sida ugu dhakhsaha Badan.

8- Waxaa la isla qaatay in yoolka Wada-hadalkan uu Saldhig u yahay Is-aamid, Wada-shaqayn, Nabadgelyo Iyo Horumar dhankastaba ah.

Qodobadan waxaa dhanka khaatumo usaxeexay gudoomiyaha barlamaanka maxamuudu sh omar dhanka snm wasiir u dawlaha arrimaha dibada maxamed mixile bokhoro

Qodobadan ayaa si weyn markiiba dadka siyaasada odorosaa ay sheegeen in aan wax heshiis ah oo ka duwan kii ugu horeeyey ee labada dhinac yeeshaan ee ka dhacay Addis Ababa waxba ka bedelayn, arintaasna waxay muujinayaan in bay leeyihiin dhabta wadahadalka aan weli la gudagelin ama aan dadka loo sheegin

Isku day dhawrjeer aan la samaynay masuuliyiinta labada dhinac ee ku sugan Jabuti ayaan noo suura gelin.