Puntland oo heshiis Shidaal baaris la gashey Shirkad SHiineys ah.

0
457

Maamulka Puntland ayaa sheegay in heshiis shidaal baaris ah ay la galeen shirkadda CCECC oo laga leeyahay dalka Shiinaha ka dib kulan saacado badan qaatay oo golaha wasiirad Puntland ay ku yeesheen magaalada Garowe.

War-saxaafadeed ka soo baxay shirkaas ayaa lagu sheegay in shirkad-dan ay xarumo ku yeelan doonto gudaha Puntland , isla markaana si rasmi ah loo bilaabi doono howlaha sahminta shidaalka ee gobolka .

“Heshiiskan ay wada gareen Puntland iyo CCECC wuxuu ku saabsan yahay in shirkaddu ay dhisto garoonka diyaaradaha Galkacayo, iyo Wadada isku xirta EYL/Garowe, arrintan oo k amid ah siyaasadii dowlada ee horumarinta kaaba-yaasha dhaqaalaha si Puntland loo hormariyo” ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay dowladda.

Waxaa heshiskan ku jirta in shirkad-du ay dhisto jidka isku xiri doona Garowe iyo Eyl ,waxaana heshiiskan labada dhinac ay gaareen ka dib kulan dhex-maray madaxda Puntland iyo saraakiil ka socotay shirkad-dan.

Kulankan oo  ka dhacay magaalada Addis Ababa  ee xarunta dalka Itoobiya bilo ka hor ayaa la isku raacay in dowlad-da Puntland ay dar-dar galiso fududaynta howlaha la xiriira in la bilaabo barnaamijka sahminta.

Ugu danbayn ,Golaha wasiirada  ayaa sidoo kale ka hadlay  Ilaalinta hantida dowladda gaar ahaan gadiidka, waxaa kaloo lagaga hadlay la dagaalanka Burcad-badeeda ee xeebaha Puntland iyo xaaladda abaaraha Puntland oo golluhu uu warbixino ka dhagaystay guddiyada abaaraha Puntland.

warsom2011@gmail.com