Maamulka Ahlu Sunna oo ku baaqey in dib loo dhigo Doorashada M/weynaha G/mudug.

0
368

Iyadoo dhawaan baarlamaanka dowlad gobolleedka Galmudug uu shaaciyay in 10ka bisha April la dooran doono madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug, ayaa dhinaca kale war ka soo baxay maamulka gobollada dhexe ee Ahlu Sunna Waljameeca waxaa ay ku baaqeen in aan lagu deg degin doorashada madaxweynaha fursadna la siiyo si ay dhinacooda qeyb uga noqdaan doorashada.

Madaxweynaha maamulka gobollada dhexe Sheekh Max’ed Shaakir ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan tallo soo jeedintii ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre oo ku baaqay in mudo 45 cisho ah dib loo dhigo doorashada madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug.

Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Cabdikariin Xusseen Guulleed ayaa dhinaciisa soo dhaweeyay baaqa ka soo yeeray Ahlu Sunna ee ah in fursad loo siiyo ka qeybgalka doorashada si meesha looga saaro khilaafka ka taagan gobollada dhexe ee la xiriira maamul gobolleedka.

Ugu danbeyntii, lama oga in baaqa ka soo yeeray Ahlu Sunna uu wax ka badali karo jadwalka doorasho ee madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug oo kol hore lagu dhawaaqay.

warsom2011@gmail.com