Isku shaadheyn xukuumada Puntland oo uu M/weyne C/weli Gaas ka hadley.

0
340

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay warar maalmihii la soo dhaafay isa soo tarayay oo sheegayay inuu damacsan yahay in is bedel inuu ku sameeyo golaha wasiirada.

Wareysi uu siiyay Laanta afka Soomaaliga ee VOA ayuu kaga hadlay xaalada Puntland ka jirta, isagoo xusay in maamulkiisa wax badan qabtay mudadii xilka uu hayay.

Mar wax laga weydiiyay is bedelka uu damacsan yahay inuu ku sameeyo Wasiirada ayuu ka gaabsaday xilliga ay dhaceyso, isagoo xusay in wararkaas ay yihiin kuwa suuqa.

“Is bedelka dowliga ma ahan mid suuqa laga sameeyo iyo maqaadaha, dadka iyaga iska jecel, dowladda is bedelka iyo tallaabada ku haboon ayay waqtigeeda qaadeysaa, warkaas warka suuqa weeye, marka ay soo baxda ayaa arkeynaa”ayuu yiri C/wali Gaas.

Mar la weydiiyay caburinta uu ku haayo saxaafada Puntland, ayuu sheegay in aanay waxba ka jirin, isagoo xusay in maamulkiisa aanay jirin cid uga dabacsan Saxaafada, isagoo xusay in marar badan wax laga sheegay, ayna dadka xir xirin oo aanay afka qabin.

Ugu danbeyntii, waxaa uu sheegay madaxweynaha Gaas in marnaba la aqbali doonin cid kasta oo sida uu hadalka u dhigay abaabul iyo kicin bulsho sameyneysa, taa badalkeedana ka maamul ahaan soo dhaweynayaan in wixii jira laga wada hadlo.

warsom2011@gmail.com