Guddi la sheegey in baaritaan ku sameynayaan Doorashadii Mareykanka oo la sameeyey.

0
349

Arinta ku saabsan in dowlada Ruuskha kaalin weyn ku laheyd guushii madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa noqotay su’aal aan ka dhamaan dalka Mareykanka gaar ahaan madaxweynaha cusub.

Guddiga aqalka barlamaanka ee u qaabilsan sirdoonka oo in muddo ahba baarayey arrintaasi ayaa haatan waxa uu sheegay in uu baaritaanadiisa balaarin doono oo uu eegi doono falalkii iyo dhaqdhaqaaqii Ruushka intii ay socotay doorasahada, waxaa uu intaasi ku daray guddiga in uu eegi doono dhinac walba oo suurtagal ah si uu u sal gaaro xaqiiqda.

Waaxda sirdoonka ee FBI iyo guddiga u qaabilsan sir doonka aqalka senate ayaa waday baaritaano arrintan ku saabsan.

CIA-da iyo laamaha kale ee sirdoonka ayaa horay u sheegay in dowladda Putin ay dadaal u gashay sidii uu ku guulaysan lahaa madaxweyne Trump iyo ay ceeb u yeelaan masharixii la tartamaysay ee haweenaydii Hilary Clinton.

Balse su’aasha ugu muhiimsan ee ay tahay in laga jawaabo ayaa ah, ilaa xad intee buu ololaha Trump ka war hayey waxa uu sameynayey madaxweynaha Ruushka iyo dowladiisa?

Madaxweyne Trump iyo kooxdiisuba waa ay beeneeyeen in wax xiriir ah ay la sameeyeen Ruushka ama ay ka war hayaanba in uu jiray xiriir noocaas ah intii uu socday ololaha doorashada.

Bishii la soo dhaafay la taliyihii dhinaca amaanka qaranka ee Trump, Machael Flynn ayaa shaqadii laga ceyriyey kadib markii la sheegay in uu been u sheegay caqalka cad, xiriir isaga la sameeyey safiirka Ruushka ee dalka Maraykanka u jooga kuna saabsanayd cunaqabateenadii lagu soo ragay Moscow .

warsom2011@gmail.com