Dalka Kenya oo hakiyey dhismaha Safaaradii ay dhisanayeen magaalada Muqdisho/waa maxey sababtu?.

0
353

Wasaarrada arimaha dibada Kenya ayaa sheegtay in dib loo dhigay ama la hakiyay dhismihii safaaradeeda Kenya ee Muqdisho.

Aamina Maxamed oo la hadlaysay Guddiga Difaaca iyo Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Kenya ayaa sheegtay in la mashcruuca dhismaha safaarada uu soo bilowday bishii Agosto  ee sanadkii 2015, laguna waday in la dhameystiro dhamaadka sanadka 2016.

Dhismaha Safaaradda Kenya ayaa ka koobnaa xafiisyo, deegaanka Safiirada iyo afar guri oo ay degi lahaayeen Shaqaalaha Safaaradda.

Wasiiradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa sheegay in sababahay loo hakiyay mashruucaas uu yahay caqabada dhinaca ammaanka, hase ahaatee waxaa ay tilmaamtay in 35% dhismaha la dhameystiray.

Go’aanka dib u dhiska howl galkeeda Soomaaliya ayay sheegtay in Soomaaliya ka cawinayo inuu dib uga soo kabto dagaalada halakeeyay dalkaas, oo dhowaan doortay Madaxweyne cusub.

Ugu danbeyntii, Kenya ayaa safaaradeeda Soomaaliya si KMG uga howl galeysay magaalada Nairobi, kaddib markii uu dhacay bur burkii oo ay si rasmi ah u xirtay Safaaradii ay ku laheyd Muqdisho sanadkii 1991.

warsom2011@gmail.com