Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda Soomaaliya oo Hambalyo ku aadan sanadka cusub ee milaadiga u direy umadda Sooaaliyeed.

0
408

Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasada Soomaaliyeed ayaa hambalyo ku aadan sanadka cusub ee miilaadiga 2017ka u direy umadda soomaaliyeed meel waba oo ay ku noolyihiin iyadoo loo rajeeyey sanadkan sanadkiisa alle ku gaarsiiyo horumar iyo barwaaqo.

Gudoomiyaha Isbahrysiga Xisbiyada Siyaasada Soomaaliya Cali Maxamed Nuux TIMAJILIC oo warbaahinta la hadley ayaa yiri:-

Umadda soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waxaan leeyahey Sanad wanaagsan Allaah waxaan ka baryeynaa in dhibaatada umadda soomaaliyeed ay soo mareen gudaha iyo debedaba sanadkii naga tegey in aan alle nagu celin isbedel kheyr qabana alle noogu bedelo,iyaoo aan rajeyneyno in dhawaan Barlamaanka cusubi doorto Madaxweyne dalka hugaamiya Afarta sano ee soo socota insha allaah.

Hambalyada Isbaheysiga Xisbiyada ayaa ku soo beegmeysa iyadoo uu magaalada MUQDISHO ka jiro dhaq dhaqaaq olole loo kala ordayo xod xodashada xildhibaanada iyo codkooda cidda ay siinayaan waxeyna xisbiyada oo gaaraya 33 xisbi siyaasadeed haystaan tiro xildhibaano ay kasoo heleen maamul goboleedyada doorashadu kasoo dhacdey kuwaasoo ay xisbiyadu doonayaan in ay isbedel ku sameeyaan cod bixintooda.

warsom2011@gmail.com

hormuud-logosalaam-bankbeccotabaarak