Askeri Toogasho ku diley taliye xigeenkii ciidanka illaalada madaxtooyada oo warar kasoo baxayaan.

0
387

Askari ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa goor dhaw ku dilay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya taliye ku-xigeenkii ilaalada madaxtooyada oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Qoorgaab.

Waxaa sidoo kale toogashada sarkaalka ku dhaawacmay askar kale oo ka tirsanaa ciidamada sida ay warbaahinta u sheegeen dad ka agdhawaa halka falka dilka ah uu ka dhacay.

Ciidamada nabad-galyada ayaa markiiba gacanta ku dhigay askariga toogashada geystay oo ilaa iyo hadda aan la ogeyn sababta uu u dilay sarkaalka.

Sida warar sheegayaan Askeriga ayaa sarkaalka ku yiri isii lacagtii aan xaqa u lahaa dabadeedna sarkaalka dhintey ku yiri  waxba kuuma hayee qoriga dhig xabsigana gal askar kalena ku yiri qabta kadibna uu rasaas ku furey,halkaasna uu ku geeryoodey sarkaalkii.

Ma jiro wali wax war ah oo ay arintan ka soo saareen laamaha amniga dowladda, gaar ahaan madaxtooyada Soomaaliya oo uu ka tirsanaa marka laga reebo saraakiil iyo askar goob joog ahaa oo siyaabo kala duwan warbaahinta warar u siiyey.

warsom2011@gmail.com

hormuud-logosalaam-bankbeccotabaarak