Weeraro Uga yimaada dhinaca AL-shabaab ee gudaha Soomaaliya oo dawlada Kenya digniin kasoo saartey.

Dowladda Kenya Kenya ayaa digniin ka soo saartay weerar uga yimaada dhinaca xoogagga al-shabaab ee ka dagaallama gudaha dalka Soomaaliya, sidda laga soo xigtay saraakiisha booliiska.

Saraakiisha ayaa sheegay in ay helleen xog la xiriira in Alshabaab qorsheynayaan in ay isku urursadaan deegaanka Jadaheyle oo ku yaala xuduuda Soomaaliya iyo Kenya.

Taliyaha ciidammada booliiska Kenya Joseph Boinet ayaa sheegay in Alshabaab doonayaan in  ay isku qariyaan dadka xoolo dhaqata deegaanada xuduuda ah, waxaana uu intaa ku darray qorshahoodu yahay weeraro ay ka geystaan gudaha dalka Kenya.

“ Qeybaha laga yaabo in ay weeraradan ka fuliyaan waxaa ka mid ah xarunta shaqaallaha Booliiska, gadiidka dadweynaha ee isaga goosha deegaannada xuduuda, iyo goobo kale” ayuu yiri Joseph Boinet.

Dagaal yahanada AL-shabaab ayaa waxey hore u sheegeen in dagaalka ka dhanka ah askarta Keenyaanka ay joojinayaan marka Kenya kala baxdo Ciidamadeeda Ciida Soomaaliya,taas oo u muuqata in Kenya dhegaha ka fureysatey oo aysan aqbalin hadalka kasoo yeerey Al-shabaab.

Ugu danbeyntii, taliyaha ayaa sheegay dowladda Kenya heegan buuxa galisay ciidamadeeda ku sugan dhinaca xuduuda si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqa ay halkaa ka waddaan al-shabaab.

warsom2011@gmail.com

hormuud-logosalaam-bankbeccotabaarak

 

Share on Facebook