Somaliland oo shaacisey in la faafiyey KHariidad qaldan laguna kala qeybinayo G/Sland.

0
374

Agaasimaha Guud ee Maamulka iyo Dawladaha Hoose ee Somaliland, Cabdifataax Siciid Axmed  ayaa sheegay in khariirad khaldan oo lagu kala qaybinayo Somaliland loo gudbiyey wadanka Jabuuti.

Agaasime Cabdifataax Siciid Axmed ayaa sheegay in khariirad khaldan oo la sameeyey sanadkii 2013 oo dhulka Somaliland qayb kamid ah la siinayo Itoobiya loo gudbiyey Jabuuti, waxaanu agaasimuhu dalka Jabuuti ka raaligaliyey xariiraddaasi khaldan ee loo gudbiyey.

Agaasimaha guud ee maamulka iyo degmooyinka Somaliland Cabdifataax Siciid oo Mape-kaasi khaldan ka hadlaya waxa uu yidhi “waddanka Jabuuti Waxa loo gudbiyey Mape-kii 2013 ayaa la sameeyey, mape-kii Somaliland ayaa saddex meelood loo qaybiyey, xariidadda Somaliland waa kuwii lixdankii, taas ayaa xukuuumadanna ku shaqaynaya gaar ahaan wasaaradda Arrimaha guduhu, oo qaabilsan kala xadeedkan goboladda iyo dhulka, Mape-kana waa mid khaldan waxaana ka raaligalinayaan xukuumadda Jabuuti ee aanu walaalo ahayn ee loo gudbiyey, iyo masuuliyiinta aanu kula kulanay Jabuuti, cidii xariiradan ka dambaysay waan daba galaynayaa waxna waanu ka qaban doonnaa”.

Agaasimuhu wuxuu sheegay inay dabagal ku samaynayaan, isla markaana sharcigala tiigsan doonaan, isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “, daba gal baanu ku haynaa cidda ka dambaysay mape kan been abuurka ah ee doonaysa inay iska kaayo hor keento dawladda jaarka nahay ee Jabuuti, dusha sare waxa lagu qoray Isaaq District, xagga huruudana waxa lagu qoray Gadabuursi District, inta soo hadhay ee Saylacna waxa la siiyey Itoobiya, waa wax aan waxba ka jirin, xuduuduhu way cad yahay waana xariirad cad,”.

Ugu dambeyn, Khariidadan qaldan ayaa la sheegay in lagu kala Qaybiyay Somaliland, isla markaana qayb dhan oo xadka Somaliland ah laga jaray, taasoo xukuumaddu sheegtay inay baadhitaan ka gaysan doonto ciddii khariidadaasi khaldan samaysay.

– See more at: http://hiiraan.com/news/2016/Nov/wararka_maanta2-118185.htm#sthash.E6Z5HxsB.dpuf