Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir oo Dooratey Gudoomiye Cusub.

0
200

Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir ayaa maanta dooratey Gudoomiye cusub kaas oo bedeli doona allaha u naxariistee Gudoomiyihii hore C/rashiid Ilqeyte,waxaana xilkaas loo doortey Ganacsade caan ah oo lagu magacaabo Cali Xuseen Ibraahin(cali kabaqori).

Ganacsadahan ayaa waxa uu caan ku ahaa ka ganacsiga Alaabta jiifka guryaha iyo qalabka xafiisyada iyo nuucyo kale oo ganacsi waxayna dad badani tilmaameen in uu yahey xirfad yaqaan karti badan oo awood u leh in uu wax badan kusoo kordhiyo Rugta Ganacsiga Gobolkan Banaadir.

Rugta Ganacsiga gobolka banaadir ayaa waxey kulmisaa qaybo badan oo ganacsi oo debedda wax kasoo dajiya iyo kuwo wax soo saarka dalka debeda u iib geeya iyadoo gudoomiyaha cusub ee la doortey ay u taalo Hawl aad u culus oo ay ugu weyntahey suuq geynta wax soo saarka dalka iyo badeecadaha oo aan is qiima jebin,waxeyna Rugtu ku aadantahey hawl weyn oo bulshada gobolkan loogu adeego.

Ugu danbeyntiina Doorashada Gudoomiyaha cusub ayaa waxaa goob joog ka ahaa madax heer qaraniyo gobol isugu jirey,sidoo kale xubnaha rugta,Odayaal dhaqan iyo qeybo bulshada kamid ah oo lagu marti qaadey goobta munaasabadu ka socotey iyadoo kusoo idlaatey jawi aad u wanaagsan iyo nabad.

WARSOM2011@GMAIL.COM

hormuud-logosalaam-bankbeccotabaarak