Golaha ammaanka ee QM ayaa ku baaqay in dawlada Soomaaliya laga kaashado sidii loola dagaalami lahaa burcad badeeda.
Waxaa golaha ammaanka ee QM uu ka codsaday xubnaha QM oo dhan inay siiyaan taageero hayadaha dawliga ah ee Soomaaliya si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah burcad badeeda Soomaaliya. Waxaa kaloo golehaasi doonayaa in dalalka xubnaha ka ah QM ay dawladahoodu gacan ku siiyaan Soomaaliya sidii loo joojin lahaa dhaca iyo boobka loo geysto safareyda mara gacanka Cadmeed.
Golahaa ayaa shalay ku baaqay in dalalka caalamka iyo jaarka Soomaliya oo dhan ay gacan ku siiyaan Soomaaliya arinkaa ugu yaraan 12ka bilood ee soo socda.
QM warbixin ay dhawaan soo saartay ayaa lagu xusay in falalka burcad badeednimo iyo kalluumeysiga sharci darrada ah ee ka dhaca badda Soomaaliya ay walaac ku hayaan.
Muddo labo sano ah ayaa waxaa aad hoos ugu dhacay burcad badeednimadii ka jirtay badda Soomaaliya laakiin dhawaan ayaad moodaa inay waxoogaa falalkaasi dib u soo laabanayaan.
Burcad badeeda dadka lagu tilmaamo ee Soomaaliya ayaa in badan oo ka tirsan ay yihiin kalluumeysato Soomaaliyeed oo ka dhiidhiyay kalluumeysiga sharci darrada ah ee shisheeyuhu ka wadaan badda Soomaaliya.
warsom2011@gmail.com