Maamulka K/galbeed xaruntiisa Baydhabo oo maanta doorashada Aqalka hoose ka dhacdey.

0
369

Xarunta Maamulka K/galbeed ee Baydhabo ayaa maanta waxaa ka dhacey doorashadii ugu adkeyd ee goorahan ka dhaceysey maamul goboleedyada dalka taas oo dhexmartey xildhibaano doonayaal qaarkood la dhacsanyihiin dadka ama kooxda hada iyaasada soomaaliya hor booda.

Tartankii ugu akaa waxa uu maanta dhex marey wasiirka Maaliyada ee xiligan Fargeto iyo wasiiru dawle hore oo lagu magacaabo Yaxye waxeyna wareegii hore wada heleen min 25 cod halka hal cona uu halaabey taas oo xubnaha codeynayey ay ka koobnaayeen 51 ergo,iyadoo wareegii labaad looga guuleystey wasiir Fargeti hal cod uuna Yaxye heley 26 coc halkaasna uu guul daro kala tegey wasiir Fargeeti.

Doorashooyinka ka dhacaya maamul goboleedyayada ayaa ah kuwo isku siyaasad qaatey oo aaney ka jirin wax la yiraa caddaalad waxaana ka waa muuqda sad bursi iyo nin tooxsi iyadoo lagu xisaabtamayo codadka xildhibaanada soo baxaya kuwaasoo mustaqbalka dooran doona Gudoomiyaha barlamaanka iyo m/weynaha ninka noqonaya.

Waa markii ugu horeysan oo wax lagu tilmaamey doorasho dadban ay dalka soomaaliya ka dhacdo waxaana la saadaalinayaa marka la eego sida ay wax u dhacayaan in qolada wadata Xasan SHeekh ay ciyaartu dhankooda u badantahey taas oo sababi karta in Xasan SHeekh uu mar kale talada kusoo laabto,kaibna kharashka iyo lacagaha ku baxey doorashada dalka dib looga raadiyo.

Ugu danbeyntii qof kasta oo jago ka qabta soomaaliya ayaa noqondoona mid jagadaasuu kharash ka galey min shaqaale hoose ilaa jagada ugu sareysa btaas oo keeni doonta in musuq maasuqa iyo laaluushku noqdaan kuwo aan cidina ka xishoon,wax looga hortagana aaney cidina ku fakerin oo taas dan la moodo natiijada laga dhaxlana adduun iyo aakhiraba lagula xisaabtami doona hugaanka dadka soomaaliyeed iyo raali ku noqoteyba.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam-banktabaarak