Iskool kuyaala Dhuusamareeb ayaa waxaa xirtay jabhada Ahlu Sunna oo halkaa ka talisa.
Ahlu Sunna ayaa waxaa ay ku andacootay in iskoolkaa lagu barayay ardayda dhigta waxyaabo waafaqsan afkaarta Khawaariijta. Afhayeenka Ahlu Sunna ee magaaladaa Mursal Sheekh Maxamed ayaa warbaahinta u sheegay in maamulka iskoolka wax laga baddali doono iskoolkana dabcan dib loo furi doono.
Si kastaba ha ahaatee, maamulka iskoolkaa ayaa sheegay in iskoolkaa wax afkaar ah oo qaldan aan lagu bari jirin ardayda lama oga waxa keeney in iskuulkan la xiro hase yeeshee waxaa leysla dhex marayaa in ay jiraan arrimo siyaasadeed oo aan hada muuqaneyn.
warsom20111@gmail.com