Doorashada Aqalka Hoose oo ka billaabatey Puntland iyo xildhibaano soo baxey.

0
439

Waxaa magaalada Garoowe xiligan ka soconaya doorashada xildhibaannada aqalka hoose ku matalaya dowlad gobolleedka Puntland, waxana durbaba la shaaciyay magacyada xildhibannadii ugu horeyay ee guuleystay.

Cali Yuusuf Cali Xoosh, ayaa noqday xildhibaankii ugu horeeyay ee ku guuleystay kursiga aqalka hoose, isaga oo hellay 49 cod halka musharixii la tartamayay oo lagu magacaabo C/rashiid Xassan Yuusuf uu hellay hal cod oo kaliya, madaama ergada codeysay ahaayeen 50 xubnood, waxaana goobta ka maqnaa hal ergay.

Xildhibaannada kale ee guuleystay, ayaa kala ah Saciid Daahir, Cumar Ismaaciil Waabari iyo walba Cilmi Cumar Ceynsane, kuwaa oo rasmi ahaan loo aqoosaday in ay yihiin xildhibaanadii ugu horeeyay ee soo baxa doorashada socta.

Magaalada Garoowe ayaa ammnigeeda siweyn loo adkeeyay, waxaana inta badan jidadka lagu arkayaan ciidammo siweyn u sugaya nabad-galyada, madaama laga foojigan yahay wax kasta oo qal qal galin kara habsami u socodka doorashada.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam-banktabaarak