Wargeyska Xog ogaal oo ciidamada nabadsugidu albaabada isugu dhufteen halka Agaasimihii wargeyska Cabdi Aadan Guuleed xabsiga la dhigey.

0
430

Ciidammo ka tirsan kuwa Nabad-sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa la sheegay inay albaabbada u laabeen Wargeyska Maalinlaha ah ee Xog-ogolaa, isla makaana Xabsiga u Taxaabeen Agaasimihii Wareyskaas, Cabdi Aadan Guuleed.

Madaxa Wargeyska Madaxa-bannaan ee Xog-ogaal, Maxamed Maxamuud Aadan ayaa u sheegay Ururka NUSOJ, in ciidammo ka tirsan NISA ay albaabbada u laabeen wargeyska.

“Ciidanka tirsan NISA ayaa u soo dhacay dhismaha Wargeyska, iyagoo ururiyay dhamaan qalabkii wargeyska iyo shaqaalaha ka hor intii aanay la bixin agaasimihii wargeyska Cabdi Aadan Guuleed oo haatan u xiran,” ayuu NUSOJ u sheegay Madaxa Wargeyska Xog-ogaal oo Xaruntiisu ay ku Taallo Suuqa Bakaaraha.

Sidoo kale, Maxamed Maxamuud Aadan ayaa sheegay inaysan weli garanayn sababta loo xiray wargeyska iyo agaasimihii wareyska Cabdi Aadan Guuleed. Iyadoo Ururka NUSOJ ay dhankeeda ka dalbatay Dowladda Federaalka Somalia inay si shuruud la’aan ah kusii dayso agaasimaha, isla markaana Wargeyska loo ogolaado inuu dib u billaabo hawlihiisa warbaahineed.

Wargeyska xog-ogaal ayaa ah wargeyska ugu faca weyn wargeysyada kasoo baxa Somalia, iyadoo hawshiisa la billaabay markii Dalku uu galay Colaadda, Sannadkii 1991-kii. Waxaa Aasaasay Maxamed Aadan Guuleed oo lagu dilay Qarax ka dhacay Muqdisho, xilligaasoo uu ka mid ahaa Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn, waa markii ugu horreysay oo ciidamada sirdoonka Somalia ay albaabbada isugu dhuftaan wargeyskan, iyadoo aan weli la sheegin sababta dhabta ah ee ka dambeysa in Albaabbada la isugu dhufto.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam-banktabaarak