Ugaas Xasan ugas KHaliif oo maanta warbaahinta la hadley/kulankii isaga iyo m/weyneha H/SHABELE.

0
376

Ugaas Xassan Ugaas Khaliif ayaa ka hadlay kulan asaga iyo madaxweynaha Hir-Shabeele ay shalay ku wada qaateen Baldweyne.

Ugaas Xassan yaa sheegay in aysan isla soo qaadin Hiiraan iyo Shabeele Dhexe. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ugaasku sheegay inay ka wada hadleen war ku saabsan beelo.

“War qabiil ma noqon karo siyaasad’, ayuu ugaasku yiri. ‘Cid kasta oo Soomaali ah ha ogaato qodobkaas.Warkii qabiil hadii loo rogay Hirshabeele iyo magacyadii cusbaa, anigu Hirshabeele kuma jiro.

‘Waxaa la gaaray anigoo Baladweyne dhex taagan oo Hoteel Hiiraan dhex taagan in la iyiraahdo Ugaas Xasan Ugaas wuxuu kasoo dagay Jowhar’. Ayuu yiri Ugaas Xassan Ugaas Khaliif. “Wuxuu ka soo dagay Xamar. Aduunyada waxaan u sheegayaa inaan Baladweyne dhinac uga bixin; inaanan Jowhar u socon”.

Wuxuu ugaasku sheegay inuusan Jowhar tagi doonin asagoo intaa ku daray in horayna uu arinkaa u caddeeyay.

Wuxuu ugaasku sheegay in Hiiraan dhibaato aan caadi ahayn laga wado. Wuxuu intaa ku daray in dhibaatada cidda wada la yaqaano. ‘Wixii ka yimaada masuuliyadeeda ciddii qaadan doontana waa la ogaan doonaa. Waxaa la diiday nabad; waxaa la diiday in ummada laisu keeno; qofna dadkii ayuu isu uruurinayaa qofna dadkii ayuu kala daadinayaa. Maanta 22ka Oktoobar, taariikhdu waxbay qori’. Ugaaska ayaa sidaa yiri.

‘Anigoo Baladweyne dhex taagan in la yiraahdo Ugaas Xassan diyaaradaas ayuu ku jiraa hilikobtarka ah; diyaaradaasuu lasoo socdaa”. Ayuu yiri ugaasku asagoo sheegay in lagu been abuuranaayo.

“Hadii ay tahay dadka wax qora ama talefishinada, haka fiirsadaano. Idaacadaha ama raadiye ha ahaato ama talefishin ha ahaato, qofku meeshuu joogo lagama been sheegi karo. In laga beensheegana sharci ma ahan. Waxaad ogaaneysiin anigu inaanan Jowhar u socon; inaanan aadi doonin. Dhibaatada laga wado Hiiraan, waxaa nala gaarsiiyay in nala caburiyo oo xaquuqdeenii lagu tunto ‘.   Sidaa ayuu ugaasku maanta sheegay asagoo khudbad jeedinayay.

Wuxuu ugaasku sidoo kale sheegay in waxa ay raadinayaan ay yihiin xaquuq. Wuxuu intaa ku daray in aysan jirin wax dhibaato ah oo dhankooda ay wadaan.

Wuxuu u sheegay beesha caalamka, QM, Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska iyo Jermalka in waxa ay doonayaan ay yihiin xaquuq.

‘Waxaa naloo diiday inaan gobolkeena ku xulano xaquuqdeena iyo xildhibaanadii aan lahayn. Aduunyadu ha ogaato. Ilaa hada ma hayno; nalooma sheegin tirada aan ku leenahay golaha sare. Waxaan horay ugu sheegnay QM in maadaama 8dii gobol aan gobol ka nahay inaan helno qismi la siman ama tiro la siman wixii ay qaataan goboladu. Waxaan joognaa in la yiraahdo Hiiraana 4 ayuu leeyahay, Jowharna 4 ayuu leeyahay’.

‘Ninkii reer Hiiraan ah oo ku qanacsan inuu Jowhar la mid noqdo adoo 60kii markii xornimada la qaadanaayay gobol ahaa, Jowhar degmuu ahaa. Waxaa waaye marka ummada kunool Hiiraan ma ku qanci kartaa 4 xubnood Jowhar, afar xubnoodna Balad Hiiraan? Waa waxaan suurta gal ahayn. Waa waxaan caddaalad u dhaweyn”. Ayuu ugaasku yiri.

Wuxuu sheegay ugaasku in reer Hiiraan ay og yihiin sida ay xaquuqdooda ku raadsanaayaan.

Wuxuu sheegay ugaasku in reer Hiiraan looga baahan yahay in si kastaba ha ahaatee ay ilaaliyaan nabad galyada.

Wuxuu intaa ku daray in laga shaqeynayo in reer Hiiraan nabad galyada laga halleeyo  oo magaaladu noqoto waa Baladweynee magaalo fowdo si dabadeed loo yiraahdo, ‘shir laguma qaban karo; lama tagi karo’.

Wuxuu ugaasku ugu baaqay qof kastoo kunool gobolkaa inay tahay inuu ogaado qodobkaas. ‘Nabadgalyo hadii aysan jirin, nololi ma jirto. Nabadgalyo hadaysan jirin, wax jiri kara malaha’. Ayuu yiri ugaasku.

Wuxuu ugaasku ta’kiidiyay in nabadgalyadu tahay rukunka nolosha.

‘Hadii nabadgalyo la waayo, nololi waa dhammaatay’. Sidaa ayuu ugaasku qof walba inuu ogaado kula dardaarmay.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam-banktabaarak