Tartanka xubnaha Aqalka sare ee K/galbeed oo ka billawdey Baydhabo.

0
375

Xidhibaannada Baarlamanka Maamulka Koonfur-galbeed Somalia ayaa maanta billaabay inay soo doortaan xubnaha Maamulka ku Meteli doona Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

Xubnaha ku Tartamaya Sideedda Kursi ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka uga soo Aadaysa maamulka Koonfur-galbeed ayaa ku taramaya 16 musharrax oo laba musharrax oo kasta ay ku tartamayaan hal kursi.

Baarlamaanka Koonfur-galbeed ayaa shalay dhageystay Khudbadaha 16-kaan Xubnood ee maanta tartamaya, kuwaasoo magacyadooda mar si horeysay loo gudbiyay Madaxweynaha maamulkaas Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Dhanka kale, Magacyada Musharraxiinta maamulka Koonfur-galbeed ee Aqalka Sare oo ay Doorashadoodu ay socoto ayaa waxay kala yihiin;

  1. Cali C/llaahi Isaaq oo uu la tartamayo, C/kaafi Macallin Xasan
    2. Zamzam Ibraahim Cali oo ay la tartamayso, Aniso Aadan Diidoow
    3. Xuseen Sh. Maxamuud oo uu la tartamayo, Xuseen C/raxmaan Ibraahim
    4. Aadan Cabdi Aadan oo ay la tartamayso, Muumino Siciid Mursal
    5. Ibraahim Cali Axmed oo uu la tartamayo, Ilyaas Cali Xasan
    6. Nuurto Nuur Jimcaale oo ay la tartamayso, Timiro Maxamed Cali
    7. Xuseen Cali Xaaji C/lle oo uu la tartamayo, C/llaahi Maxamed Cabdi
    8. C/llaahi Cabdi Garuun oo uu la tartamayo Axmed Maadeey Isaaq

Ugu dambeyn, Lama oga doorashada oo iminka socota in maanta lasoo gaba-gabeyn doono iyo in ay u dhici doonto Berri, laakiin maamuka ayaa lagu wadaa inuu sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo gudbiyo guddiga hir-gelinta doorashooyinka Soomaaliya, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta maamukaas.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam-banktabaarak