SWISS KALMA: oo dayactir ku saameysy isbibitaakii guud ee degmada Marka.

0
438

Isbitaalka Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellada Hoose ayaa lagu sameeyay dib u dhis iyo qalabeyn; iyadoo dib loo hawl-geliyay, si uu ugu adeego Bushada.

Isbitaalkan ayaa la dhisay sannadkii 1949-kii, markaasoo ay Soomaaliya ka talinayay Mustacmarkii Talyaaniga. Waxaana isbitaalka soo marxalado kala duwan oo kala ahaa maamuladii ka talinayaaya wadanka illaa ay ka burburto Dowladdii dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1990-kii.

Tan iyo intii ay dagaallada sokeeye dalka ka socdeen, gobolka Shabeellada Hoose waxaa ragaadiyay dagaalo illaa hadda ka taagan, taasoo keentay in hay’adaha caalamiga ah ay ka gaabsadan waayaan adeega caafimaadka ee Isbitaalka Gobolka Shabeeladda hoose.

Sannadkii 2014-kii ayay hay’adda SWISSO KALMO oo Gobolka Shabelleaha Hoose muddo dheer ka fulin jirtay adeegyo caafimaad iyo daryeelka nafaqa xumida ayaa bilowday inay u ololeyso sidii Isbiltaalka Marka dib loogu soo nooleyn lahaa. Waxayna dib u hawl-gelisay shaqaalhii joogay Isbitaalkaas, iyadoo bulshada ku nool Gobolka u fidisay adeeg caafimaad oo tayo leh oo haddana lacag laan ah.

Sidoo kale, Sanadka 2015-kii ayaa waxay hay’adda dib u bilowday mashruuc cusub oo lagu kaalmeynayo Adeegga Caafimaad ee Isbitaalka Marka. Waxay qiimeyn ay ku sameysay SWISSO KALMO dhismaha Isbitaalka si loo ogaado baahida dacaytirka Isbitaalka ka jirta, kaddibna waxaa si dhameystiran loo dacaytirey dhammaan qeybaha Isbitaalka Marka loona qalabeey.

Hay’adda SWISSO KALMO ayaa keentay dhammaan qalbka caafimaad ee uu u baahan yahay Isbitaalka, waxayna si dhameystiran u keentey daawooyinkii iyo qalabkii uu isbitaalku u baahnaa.  Intaas waxay hay’adda u sameysay in adeegga caafimaad oo tayaysan loo qabto shacabka Gobolkaas kku nool kaa oo ah mid lacag la’aan ah.

Dhanka kale, 10-ka bishan Oktoobar 2016, waxay hey’adda si buuxda ugu wareejisay maamulka Isbitaalka Marka iyo Guddiga Caafimaadka degmada Marka oo wakiil ka ah shacabka degmadaas ku nool, iyadoo ay u dhan yihiin gabi ahaan hawlaha Isbitaalka.

Isbitaalka Marko ayaa wuxuu ka kooban yahay;

  1. Dayactir guud iyo Qalabeyn Isbitaalka lagu sameeyay
  2. Dhammaan Qalabkii looga shaqeyn lahaa Isbitqalka (Qaliinka, Hooyada uurka leh, Carruurta iyo Daaweynta Guud)
  3. Waxa kaloo la wareejiyay cudud-shaqaale oo tiradoodu gaarayso 71 xifadlayaal caafimaad ah oo ay ku jiraan afar dhakhtar oo kala ah (Dumarka, Qalliinka Guud, Carruurta iyo Daaweynta Guud).
  4. Daawo ku filan Isbitaalka muddo lix billood ah.

Adeegyada uu Isbitaalku fulin doono waxaa ka mid ah:

  1. Cudurada Haweenka
  2. Daaweynta Caruurta
  3. Qaliinka Guud
  4. Daaweynta Dadka waaweyn
  5. Daaweynta TB iyo HIV
  6. Nafqeynta Guud.

Ugu dambeyntiina, Waxaa muhiim ah inaan halkaan aan ka xusno in Hay’adda SWISSO KALMO ay sii joogteyn doonto kaalmeyn doonto Isbitaalka Marka. maamulka Isbtitaalka iyo guddiga caafimaadka oo wakiil ka ah Shacabkana inay si wadajir ah ay gacanta ugu qabtaan maamulka Isbitaalka iyo Dardar-gelinta Adeegga Caafimaad ee Bulshada loo Qabanayo.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam-banktabaarak