SHirka maamul u sameynta hirshabeele oo marxaladihii ugu danbeeyey maraya.

0
384

Waxaa  naga soo gaaraya degmada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in uu galay marxaladihii ugu danbeeyay shirka dhismaha maamulka Hirshabeelle ee labada gobol Hiiraan iyo & Sh/dhexe.

Hoolka shirka dhismaha maamulka Hirshabeelle ayaa maanta intooda badan lagu xareeyay xildhibaannada ay soo gudbiyeen odayaasha dhaqanka beellaha halkaa ku shirsan, kuwaa oo la filayo in dhawaan la dhaariyo, waloow dhinaca kale ay jiraan beello aan wali gudbin xildhibaannadooda.

Xubnaha cusub ee xildhibaannada loosoo xulay oo kulan la yeeshay guddiga farsamada ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo urur gobolleedka IGAD, ayaa ka wadda hadlay siddii wixii hadda ka danbeeya howsha shirka loogu wareejin lahaa xildhibaannada cusub oo looga fadhiyo in ay soo doortaan guddoonkii baarlamaanka.

Dhawaan ayeey aheyd markii ergada halkaa ku shirsan isku raaceen in xarunta dowlad gobolleedka laga dhigo magaalada Jowhar, halka markii hore madaxweyne Xassan Sheekh wareegto ku soo saaray in xarunta maamulka labada gobol tahay degmada Buula-burte. siddoo kalana ergada ayaa horay u meel-marisay, dastuurka, magaca iyo calanka uu yeellanayo maamulka.

Wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in ugu danbeyn ilaa 15ka bishan Oktober lagu waddo in lagu soo doorto madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, inka ka horeysana la dhameystirayo dhismaha baarlamaanka uu maamulka yeellanayo.

Howlahan oo dhan ayaa imanaya xili wali duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan oo uu horkacayo Ugaas Xassan Ugaas Khaliif ka soo horjeedaan shirka Jowhar ee dhismaha maamulka Hiiraan & Sh/dhexe.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam-banktabaarak