Maanta oo shan sano laga joogo waqtigii uu allaha u naxariistee m/weynihii hore ee dalka LIIBIYA QADAAFI.

0
418

Maanta ayaa waxaa shan sano laga joogaa dilkii loo geystay hoggaamiyihii Liibiya Mucamar Al-Qadaafi.

Shan sano kadib dilkii loo geystay Mucamar Al-Qadaafi ayaa burbur xooggan ku dhacay dalkaa Liibiya.

Waxay haatan dadka caasimda Liibiya ee Tripoli iyo guud ahaan dalkaa oo dhan sheegayaan in ay tabayaan Qadaafi iyo dawladiisii. Waxay sheegeen maalin walba in ay haatan wajahaan nolol adg, dagaalo, geeri iyo jahwareer.

Dadka caasimada Tripoli ayaa sheegay inay ku daaleen korontada oo had iyo jeer tagta, sicir barar iyo dagaalo kooxaha hubeysan dhex mara ayagoo ku tartamaya ceelasha shidaalka.

Waagii barisamaadka ee Qadaafi ayaa nolosha dadka iyo horumarkooda aad dawladiisii uga fakari jirtay. Cayr ayaa reer Liibiya ay qaadan jireen. Waxay sidoo kale Liibiya deeq siin jirtay dalalka Carabta iyo Afrika.

Dawladii Qadaafi ayaa aysan ka sabri karin Liibiyaanku ayadoo dalkaa iyo dadkiisaba ay horumar gaarsiisay.

‘Nolosheenu waxay sidaan ka wanaagsanayd markii ay jirtay dawladii hore’, waxaa sidaa tiri Fayza al-Nasa oo ka shaqeysa farmashi.

Dawlada haatan dalkaa ka jirta oo taag daran ayna caawiso QM ayaan awood badan ku lahayn dalka qeybo badan oo ka tirsan.

Jabhadaha ayaa diidan inay awooda uga dambeeyaan dawladaa. Jimcihii lasoo dhaafay dabley ayaa qabsatay qaar xafiisyada dawlada ee casimada.

Shantii bilood ee lasoo dhaafay, ciidamada dawlada ayaa la dagaalamaayay Daacish ayadoo diyaaradaha dagaalka ee  Mareykanku hawada ka taageerayaan.

Khaliifa Xaftar oo hoggaamiye kooxeed ahaa ayaa isu haysta nin dalka badbaadiyay. Khaliifa ayaaa heysta taageero badan.

Si kastaba ha ahaatee, asagoo ciidamadiisu xoogaga jihaad doonka ah badankood ay kasaareen magaalada Benghazi ayaa dadka ka soo horjeeda waxay kutilmaamaan nin doonaya inuu talada dalka marooqsado oo uu kaligii talis kale Liibiya ka noqdo.

WARSOMM2011@GMAIL.COMbeccosalaam-banktabaarak