Maamul goboleedka Jubaland oo ka digey Xaalufinta DHirta iyo shidida dhuxusha.

0
403

Kulan ay maanta isugu yimaadeen mudaneyaasha baarlamanka Jubaland ayay uga doodeen xaalufinta dhirta, ayagoo si adag uga hadlay arintaasi, sheegayna in tallaabo cad laga qaadi doono dadka xaalufka ku haya dhirta.

Kulankan oo uu shir gudoominayay gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee baarlamanka Jubaland Mudane Cabdi Baaleey Xuseen ayay mudaneyaashu uga hadleen ahmiyadda ay dhirta leedahay iyo weliba dhibaatada ka dhalan karta dhirta oo la xaalufiyo.

Mudaneyaasha ayaa sheegay in deegaanada Jubaland uu ka jiro xaaluf lagu hayo dhirta, waxayna sheegeen in arintaasi ay saameyn ku yeelaneeyso deegaanka, dadka iyo duunyada intuba.

Cali C/waaxid (Cali Xoog) oo ah gudoomiyaha gudiga baarlamanka Jubaland ee qaabilsan xoolaha, deegaanka iyo dalxiiska ayaa sheegay in arrintan loo baahanyahay in si dhab ah loo wajaho, loona tallaabo qaado sidii looga hortagi lahaa xaalufka lagu hayo dhirta.

Gabagabadii kulanka waxaa soo xiray gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee baarlamanka Jubaland Mudane Cabdi Baaleey Xuseen, isagoo sheegay in kulanka maanta ahmiyadiisu ahayd, sidee wax looga qaban karaa xaalufka loona badbaadin karaa dhirta, isagoo sheegay in Jubaland uu ka jiro xaaluf lagu hayo dhirta.

“Waxa maanta na heeysta gacanteennaa kula nimid, waxaa loo baahanyahay in aan dadkeenna u caqli celinno una sheegno in geedka ay gooynayaan uu dhibaato u keenayo deegaankii iyo xoolihii ay dhaqanayeen intaba,” ayuu gudoomiyuhu hadalkiisii raaciyay.

Deegaanada Jubooyinka waxa ay kamid yihiin gobollada dalka Soomaaliyeed ee laga dareemayo xaalufka ba’an ee loo geystay dhirta, waxaana xusid mudan in bulshada ku dhaqan deegaanadani ay intooda badan yihiin xoolo dhaqato.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam-banktabaarak