Guddoomiyaha Gobolka Mandheera oo sheegey in waxa uu ugu yeerey Argagixiso ay dib u dhigeyso horumarka degmada.

0
408

Gobernatooraha Mandheera Cali Ibraahim Roba ayaa  ka dhawaajiyay  in weerarada ka dhaca degmada Mandheera ay carqaladeeyaan horumarka la doonayo in la gaarsiiyo degmadaa.

Mr Roba ayaa sido kale carabka ku dhuftay  in falalka argagixisada  ay saameeyeen  howlaha  socda oo ay ka mid tahay wadada marta bartamaha  Mandhera  ee dhan  25 km  oo laami laga dhigayo.

Mashruucaa ayuu   ku tilmaamay in uu  ka mid yahay mashariicda ugu waweyn ee  xariga laga jaray 3 sano ka hor.

Dadka anan  Mandheera ka soo jeedin oo mashaariicda ku howlan   ayuu sheegay in tiradoodu ay sii yaraaneyso maadama weeraradu ay cabsi ku beereen.

Wadadada marta magaalada Mandheera bartamaheeda   oo uu  si gaar ah u xusay in argagaxisadu ay saameyn ku yeelatay ayaa waxa lagu qarash gelinayaa lacag dhan 2.4 bilyan oo shilin, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Howlaha kale ee istaagay  ayaa sida uu sheegay waxaa ka mid ah dhisida  xarumaha ugu waweyn ee waaxyaha kala duwan ee Mandheera iyo sidoo kale  xafiisyada golaha baarlamaanka hoose ee Mandheera.

Dhanka kale macalimiinta iyo daqaatiirta ayuu ka dhawaajiyay in  ay ka biyo diidayaan in  la geeyo  Mandheera   iyaga oo ka cabsanaya in la bartilmaamedsado.

Weerarkii ugu dambeyay ee ka dhacay Mandheera  gaar ahaana hoteel lagu magacaabo Bishaaro Hotel ayaa waxaa ku nafwayay 12 qof.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam-banktabaarak