Gobolka Mudug oo laga soo sheegayo Abaaro iyo Biyo la’aan aad u daran.

0
388

Gobolka Mudug ayaa sida qeybo badan oo Soomaaliya ah waxaa haatan saamayn ku yeeshay abaaro iyo biyo yari.

Dadka ku dhaqan gobolka Mudug ayaa waxaa haatan wajahaya biyo iyo baad yari haysata xoolahooda gobolkaas oo ka mid ah gobolada xoolo dhaqatadu ku badan tahay. Masuul katirsan masuuliyiinta gobolkaa ayaa warbaahinta u sheegay in xoolihii haatan ay biyo yari iyo baad la’aan u dhammaanayaan.

Waxaa lagu soo waramayaa in xoolaha iyo dadku biyo u raadsadaan meelo fogfog ayadoo biyo laga soo dhaamiyo meelo fog oo ay adag tahay in la gaaro.

Biyo dhaaminta ayaa waxaa ka qeyb qaata gawaari booyado ah ayadoo biyaha ay keenaana ay qaali yihiin.

Deegaano aad uga fog ayaa dadku biyo uga soo raadsadaan Balli Busle iyo meelo kale oo waxoogaa biyo ah ay ku hareen.

Qeybo ka tirsan gobolka Togdheer ayaa sidaasoo kale waxaa wali ka jira abaar iyo biyo yari.

Biyo yarida gobolkaa ka jirtaa ayaa halis ku ah dadka iyo duunyadaba ayadoo haatan dadka iyo duunyadaba ay geeri qarka u saaran yihiin.

Sanadkaan horrraantiisii iyo xataa laga soo bilaabo sanadkii hore ayaa waxaa qeybo badan oo gobolka ah ka dhacay abaaro ba’an.

Saddexdii sano ee la soo dhaafay ayaa roobabku ku yaraayeen gobolada Togdheer, Sool iyo Sanaag iyo weliba qeybo badan oo ka tirsan koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam-banktabaarak