Deegaano hoos taga maamulka K/galbeed oo ay isaga baxeen ciiamada Itoobiya iyadoo sababtu tahey!!.

0
375

Ciidamada dalka Itoobiya ayaa saakay isaga baxay Degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool, iyadoo markiibana ay la wareegeen xoogag Al-sabaab ka tirsan, sida ay sheegeen Madax Maamulka Koonfur-galbeed ka tirsan.

Wararka ayaa sheegaya Ciidanka Itoobiya oo ka mid ah Hawl-galka AMISOM ayaa waxay u bexeen jihada Degmada Xudur ee Gobolka Bakool, sida dadka goob-joogayaal ah ay u sheegeen Warbaahinta. Iyadoo 25-kii bishii Ogoosto 2014-kii laga qabsaday Al-shabaab degmadaas.

Degmada Tiyeglow ayaa isku-xirta Gobollada Hiiraan iyo Bakool, waxayna u jirtaa qiyaas dhan 90-km degmada Xudur, sidoo kalena waxay 140-km u jirtaa Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Wasiir u hadlay Maamulka Koonfur-galbeed ayaa sheegay in ciidankii dalka Itoobiya ka socday ay ka baxeen degmadaas, ayna la wareegtay Al-shabaab, isagoo xusay in saraakiishii hoggaaminayay ciidamadaas ay u sheegeen inay ka baxayaan degmadaas.

Itoobiya ka hadashay sababaha ay ciidankeedu uga baxayaan Deegaanada Somalia:

Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta Itoobiya, Getachew Reda, ayaa ka hadlay sababaha ay ciidankooda uga baxeen deegaanno ka tirsan Koonfurta Soomaaliya, wuxuuna sheegay in cidamadooda aan ka midka ahayn Hawl-galka AMISOM ay kala baxayaan Soomaaliya.

“Ciidamadeenna jooga Soomaaliya, waa laba nooc. Tan hore 2,000 oo askari oo ka tirsan AMISOM way sii joogayaan Somalia,” ayuu Wasiirka, Wuxuuna intaas ku daray. “Waxaa intaa dheer dhowr kun oo Askarteena ah kuwaasoo ka taageeraya ciidanka AMISOM kuwa iyo Dowladda Federaalka Somalia la dagaalanka Al-shabaab. laakiinse sidaan marar badan u sheegnay, Askarkeenna AMISOM way joogayaan Soomaaliya illaa inta Hawl-galkoodu dhammaanayo.”

Wasiirka Warfaafinta Itoobiya, Getachew Reda ayaa hadalkiisa ku daray inay kala baxeen ciidankoodii AMISOM ka tirsanaa Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Ugu dambeyn, Tallaabada ay Ciidamada Dalka Itoobiya uga baxeen Tiyeeloow ayaa kusoo beegmaysa iyadoo bilihii u dambeeyay ay Ciidamada Dalka Itoobiya ee ku sugan Somalia ay isaga baxayeen deegaanno dhar ah oo Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ku yaalla.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam-banktabaarak