Dab ka kacey deegaanka Buulo xuubey ee degmada madiina oo khasaare hantiyeed sababey.

0
493

Dab xooggan ayaa ka kacay suuq weyn oo ku yaala Buulo Xuubey, degmada Wadajir ee caasimada Muqdisho.

Dabka ayaa bilowday saaka. Dad goob joog ahaa ayaa Hiiraan Online u sheegay in dabku geystay khasaare xooggan asagoo halkaa ku burburiyay dukaamo. Shaqaalaha dab daminta ayaa halkaa soo gaaray oo haatan oo aanu warbixintaan qoreyno ku sugan suuqaa.

Dabka ayaa la sheegay in uu ka bilowday ama ka kacay cillad koronto. Dabka ayaa ugu dambeyn lagu guuleystay in la damiyo.

Ilaa hada wax dad ah oo ku dhintay ama ku dhaawacmay dabkaa lama soo sheegin.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam-banktabaarak