Wasaaradda Amniga oo sheegtey in ay fashilisey qarax lala damacsanaa in lagu wax yeeleeyo dad aan waxba galabsan.

0
215

Wasaaradda Amniga Xukuumadda
Somalia, ayaa sheegay in la Fashiliyay
Xalay Mooto Bajaaj laga soo buuxiyay
Walxaha qarxa, lana doonaayay in lagu
Qalqal-geliyo Xasilloonida Caasimadda
Soomaaliya.

Afhayeenka Wasaarada Amniga C/
kaamil Macallin, ayaa xusay in
Mootadaas uu la socday ruux ka tirsanaa
Xarakada Al-shabaab, taasoo ciidamada
Amniga ay ku joojiyeen Waddada
Warshadaha, Laakiinse uu ka dhego-
adaygay Amarka ciidamada, isagoo ugu
dambeyntiina is-qarxiyay.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay in
Mootadaan ay ku Qaraxday Meel ku
dhow Xero Jarmal, uuna ku dhintay
Ruuxii waday oo uu sheegay inuu ka
tirsanaa Al-shabaab oo kula jirta dagaal
Dowladda Somalia iyo Ciidamada
AMISOM.

“Ciidamada Amnigu Waxay goobtii uu
Qaraxu ka dhacay ka billaabeen
Baaritaanno ay ku ogaanayan halka lagu
soo diyaariyay,” ayuu hadalkiisa ku
daray C/kaamil Macallin Shukri, oo
intaas ku daray in baaritaannada soo
baxa la shaacin doono.

Ugu dambeyntii, Afhayeenka, ayaa ka
gaabsaday halka uu weerarkan ku
wajahnaa, Sababo ku aaddan Hay’adaha
Ammaanka oo aan weli soo Gaba-gabeen
Baaritaanada ay gacanta ku hayaan sida
uu hadalka u dhigay.