Muungaab Oo Dhagax Dhigay Jidad Halbowlo U Ah Isu Socdka Magalada Muqdisho.

0
3

Todobaadkan ayaa waxaa Caasimadda
Soomaaliya ay noqotay mid waji cusub u
furmay, kadib markii Duqa Muqdisho Xasan
Maxamed Xuseen (Muungaab) uu dhagax
dhigay dib u dhiska Saddex wado oo Muqdisho
ku taal.

Wadooyinkan uu dhagax dhigay Duqa
Muqdisho ayaa ka mid ahaa wadooyinkii ku
bur buray dagaaladii sokeeye, halboowlana u
ahaa isku socodka dadka iyo gaadiidka, iyadoo
loo arko mid muhiim u ah dib u soo kabashada
dhaqaalaha dalka.

Mashruucaan ayaa ka mid ah mashaariicda
kala duwan ee dib u dhiska dalka oo uu
hormuud ka yahay maamulka Gobolka
Banaadir, waxaana dhawaanahan jiray
mashaariicyo dhowr ah oo dib loogu dhisayo
Xarumo iyo wadooyin muhiim u ah adeegyada
bulshada oo ka socday caasimadda Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa dhagax dhigay saddex
wado oo la saari doono laami, waxaana
tallaabadan soo dhoweeyay bulshada
qeybaheeda kala duwan ee ku nool magaalada
Muqdisho, iyagoo sheegay inay qeyb weyn ka
qaadan doonto bilicda, isu socodka iyo amniga
Caasimadda.

Saddexdan wado ayaa kala ah Wadada ka
bilaabataa Villa Soomaaliya ee u hoobata
wadada Wadnaha ee Degmada Warta Nabadda,
Wadada Taleex ee Degmada Hodan, iyo
Wadada 4-ta Darjiin ee dhaxmarta Suuq
bacaad taasoo tagta is-gooyska Towfiiq ee
Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa waxay
sheegayaan in marka ay timaado xiisado iyo is
qab-qabsi siyaasadeed in qaar badan oo ka
mid ah shaqooyinka dowladda uu gaabis ku
yimaado, balse dhismooyin wadooyin cusub oo
laami ah oo laga dhiso caasimadda ayaa
muujinaysa in dib u dhiska Magaalada
Muqdisho ay u muuqato mid aan saameyn is
qab-qabsiga siyaasadeed ee dalka.