C/Kariin Xuseen Guuleed Oo Mudo 15-Cisho Ah Loogu Daray Mudadii Uu Soo Dhisi Lahaa Xukuumadiisa.

0
1

C/kariin Xuseen Guuleed Oo Ah Madaxweynaha Maamulka Gal-Mudug Ayaa Waxaa Baryahaanba Laga Sugayey Xukuumada Dowlada uu Madaxweynaha Ka Yahay Iyadoona Uu 19,ka Bishaan Uu Ugu Ekaa 45,ta Cisho Uu Siinayo Dastuurka Maamulka Gal-Mudug Hase Yeeshee Markii Uu Ku soo Dhisi Waayey Ayuu Baarlamaanka Gal-Mudug Waxa Uu Ka Codsadey In Loogu Daro Mudo Kale Waxayna U Egtahay In Uu Ku Maashoobey Ama Uu ka Bixi Waayey Codsiga Beelaha Kala Duwan Ee Ku Nool Deegaanka Gal-Mudug.

Degmada Cadaado Oo Uu Maamulka Galmudug Ku Shaqeeyo Ayaa Horey Waxa Ay U Ahaan Jirtey Meel Dabadoon Balse Waayahaan Ayaa Waxaa laga Dareemayaa in Ay Soo Cosboonaadeen Shaqaaqooyin Iyo Kala Shaki Soo Kala Dhex Galay Beelaha Iyo Dadka Degan Degmada Cadaado Waxaana Shalay Galinkii Dembo Ka Dhacday Degmada Cadaado In Nin Ka Tirsanaa Maamulka Ahlu-Sunna Ahaana Madaxweyne ku Xigeenka Kaasoo Lagu Magacaabo C/llaahi Xirsi Diirshe Daacad Ay Isku Dayeen MAamulka Gal-Mudug In Ay Xabsi U Taxaabaan Hase Yeeshee Uma Suuroobin  Waxayna U Egtahay InMudane C/kariin Guuleed Uu U Xawilay Cadaado Ficiladdii Yiilay Muqdisho.

Si Kastaba Ha Ahaatee Maamulka C/kariin Xuseen Guuleed Uu Majaha u Hayo Ayaa Dadka Siyaasada Indha Indheeya Waxa Ay Ku Micneeyeen In Uu Yahay Maamul Aan Laga Sugeeynin In Uu Wax La Taaban Karo Ka Soo Hoyo Balse Waxa Tani Lagu Micneeyey Adoo Ari Raaci Waayey Hal-Geela Malaguu Dhiibey.