Axmed Madowe Oo Markale Lagu Nikaaxay Magaalada Kismaayo.

0
4

Hogaamiye Axmed Madoobe ayaa markale isku magacaabay madaxweynaha maamulka “Jubbaland” ee taabacsan dowladaha Itoobiya iyo Kenya.

Kadib socdaal uu isbuucii lasoo dhaafay ku tegay degmada Doolow ee gobolka Gedo ayuu saraakiisha Itoobiya ka dhaadhiciyay in ay xiraan siyaasiyiin dabadhilifyo ah oo gobolka Gedo kasoo jeeda kuwaasi oo caqabad ku ahaa maamulkiisa kadibna Kismaayo ayuu maanta ku shiriyay xildhibaanada baarlamaanka maamul ku shegga “Jubbaland”.

Shir jaraa’id oo uu magaalada Kismaayo ku qabtay Axmed Madoobe ayuu ku sheegay in uu u mahad celinayo xildhibaanada baarlamaanka maamulkiisa oo mar kale madaxweyne u doortay.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in heshiis hoose ay wada galeen Jeneraal Gabre taliyaha ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya iyo Axmed Madoobe kaasi oo ku aaddan in Itoobiyaanka saami qeybsi laga siiyo dhaqaalaha kasoo baxa dekadda Kismaayo iyo in lacagaha laga aruuriyo magaalooyinka gobolka Gedo iyo Jidgooyooyinka si toos ah ay ula wareegto dowladda Itoobiya.

Dib u magacaabista Axmed Madoobe ayaa larumeysanyahay in uu yahay qorshe ay wada dajiyeen Itoobiya iyo Kenya oo ah u arka Hoggaamiye dabadhilif ah oo qalinka ku jiidi kara dhammaan danaha labada dal.

Dhawaan Ayey Aheyd Markii Max’med Cabdi Kaliil iyo Maxamuud Sayid aadan loo musaafuriyay dhanka magaalada Muqdisho arrimahaasi ayaa xaqiijin u ah in Axmed Madoobe loo sallaxay hoggaanka “Jubbaland”.