Faransiiska Oo Baaraya Diyaarad La Helay

0
332

Saraakiisha laanta socdaalka ee Faransiiska ayaa waxa ay baarayaan qeyb ka mid ah burburka diyaarad oo biyaha badweynta Hindiya ay soo tufeen.

Waxa ay doonayaan in geybtan ay barbar dhigaan diyaaradda Malaysia ee Boeing 777 ee la waayay sanad ka hor.

Dad ku dhow maamulka Mareykanka waxa ay sheegayaan in baarayaasha oo arkay sawirada burburka ay aad ugu kalsoonyihiin in qeybtan ay tahay baalka diyaarad ah Boeing 777, ayna tahay diyaaraddaasi la waayay sanad ka hor, ayna isku mid yihiin.

Khubarada Faransiiska ayaa dhankooda waxa ay tilmaameen inaysan weli hubin arrintaasi.

Diyaaradda Malaysia ee MH370 waa tan keli ah ee Boeing 777 ee luntay, illaa haddana la raadinayo, mana jirto midkaloo noocaas ah oo burburtay.

239 qof oo rakaab ah ayaa diyaaraddaasi saarnaa.