Al-shabaab Oo Weerar Culus Ku Qaadey Saldhig Ciidamada Amisom Ay Ku Leeyihiin Kuliyada Jaalle Siyaad Ee Degmada Hodan.

0
308

Dagaal xooggan Ayaa Waxa Uu Ka Dhacay saldhig ciidamada AMISOM Ay ku leeyihiin kuliyadda Jaalle Siyaad degmada Hodon Ee Magaalada Muqdisho Wuxuuna Dagaalka yimid kadib markii ciidamada shabaabul Mujaahidiin ay weerar xooggan ku qaadeen gudaha Kuliyadda.

goob joogayaal ayaa Warsom U sheegay in ay maqlayeen rasaas xooggan iyo madaafiic lays dhaafsanayo Iyadoona Ay Ciidamadii Weerarka Lagu Qaadey Iska Caabiyeen Kooxii Soo Weeraray.

Ma Jiraan War Cad Oo Lagu Xaqiijinayo Qasaaraha Ka Dhashay Weerarkaasi Hase Yeeshee Weerarada Noocaani Oo Kale Ayaa Inta Badan Qasaaraha Waxa Uu Kasoo Gaaraa Dadka Shacabka Ah Ee Ka Agdhow Goobaha Dirirtu Ay Ka Dhacayaan.

Al-shabaab Ayaa Sheegatay Weerarkaasi Wuxuuna Sarkaal uhadlay Uu sheegay in ciidankoodu ay waxyeello gaarsiiyeen laba gaari cabdi bile ah oo isku dayay in ay ugurmadaan Amisom Askar Kalena Ay Dileen Balse Dhanka Dowlada Wali Wax War Ah Kama Soo Bixin.