Wadooyinka Muqdisho oo maalintii Sedexaad xiran

0
337

Waxaa weli xiran qaar kamid ah wadooyinka magaalada Muqdisho iyadoona la arkaayo Boqolaal dad oo u badan Arday oo lugeynaayo Xaafadaha kadib markii gaadiidka BL-da laga mamnuucay inay adeegsadaan laamiyada iyo wadooyinka caadiga ah.

Wadooyinka qaar ayaa waxaa lagu jaray gaadiidka dagaalka gaar ahaan nooca loo yaqaan Cabdi-bilaha, halka Ciidamo ka tirsan dowladuna ay daadsan yihiin wadooyinka islamarkaana ay mamnuucayaan isu gooshida gaadiidka iyo dadka shacabka.

Xirnaanshaha wadooyinka ayaa kasoo bilaabatay Maalintii Khamiista, maanta oo sabti ah waa ay xiran yihiin wadooyinka Magaalada.

Dadka ayaa kuu sheegaya in xirnaanshiyaha wadooyinka ay saameyn ku yeelatay, maadaama shalay magaalada oo dhan ay kala xirantay, dadkiina ay ku adkaatay in xaafadahooda ay si sahlan uga soo gudbaan.