Waa Kuma Shaqsiga Habar Gidir ay u Doorteen in uu Wasiir u Noqdo

Odayaal, Waxgarad iyo Cuqaal ka soo jeeda beesha Habar-gidir ayaa kulan ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho waxa ay ku sheegeen qofka qabiilkaasi ku matalaya Golaha Wasiirada Soomaaliya,
Odoyaasha iyo waxgaradka ayaa sheegay in dhawr jeer ay ka xishoodeen dowladda Soomaaliya oo duudsiisay xaqii ay ku lahaayeen dowladda Soomaaliya.

Waxa ay intaa ku dareen in aanan Xildhibaanada barlamanka ka hadli karin cida qabiilkooda ku mataleysa golaha Wasiirad isla markaana ay qasabtahay in ay la ogolaado rabitaankood.

Odiyaasha ayaa waxaa ay sheegeen in C/Kariin Xuseen Guulled uu yahay shaqsiga kali ah ee u doorteen uu matalo beesha habar gidir islamarkaana go’aankaasi ay san ka hor imaan karin xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya oo diidan in Golaha Wasiirada lagu soo daro C/Kariin Xuseen Guuled maadaama uu horay uu u fashilmay Xukumadihii hore ee ka horeysay RW Cumar C/Rashiid.

Share on Facebook