R/wasaare Sharmaarke oo ku jahwareersan inta u dhexeysa Madaxweynaha iyo Baarlamaanka

R/wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa ku jahwareersan Siyaasadaha dhextaalka u ah Madaxweyne Xassan shiiq iyo Xildhibaanada baarlamaanka soomaalida.

R/wasaaraha oo marba warqad iyo Liis uga imaanayo xafiiska Madaxweynaha ayaa waxaa si ula kac ah uga soo horjeesanaayo xildhibaanada oo iyagu meel fog ka ilaashanaayo dhaqdhaqaaqyada Madaxweynaha.

R/wasaare Sharmaarke oo aan godob labada dhinac toona ka galin, ayaa waxa uu hadana u muuqanayaa in kalsoonida uu ku weynaayo ka ag dhawaanshaha Madaxweynaha Qaranka oo isagu lagu diidan yahay tiro saaxiibadiisa oo dadaal ugu jiro inay ka dhexmuuqdan Wasiirada cusub.

Maalmo kooban ayaa u harsan R/wasaaraha, waxaana dhowr jeer looga digay in xukuumadiisa uu kusoo daro wasiiradii hore loogu celshay.

Waxaa suuragal noqon karta in Xukuumada cusub ay kusoo laabtaan inta badan wasiirada, iyadoona kuwa harsan lagu buuxin doono Siyaasiyiin kale

Share on Facebook