Maamulka Jubba oo sheegay in Amaanka Diiradda saari doonaan

Madaxweynaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo la kulmay dadka ka soo jeeda gobaladaasi ayaa sheegay in la sameyn doono maalgashi gobalada Jubooyinka iyo Gedo ah, sidoo kale la doonayo in qurba joogta ay dib u dhiska gobalka kaalin ka qaadato.

Amaanka ayuu sheegay Axmed Madoobe in uu yahay muhiimadda Koowaad isla markaana maamulkooda markii hore ay ka soo bilaabeen meel hoose, hase ahaatee hadda halka ay marayaan tahay mid aad u wanaagsan.

Axmed Madoobe ayaa dhanka kale sheegay in markii ay soo dhamaato howlaha baarlamaanka ee maamulka yeelanayo in ay wajihi doonaan qorsheyaal ku aadan dib u habeyn iyo maalgashiyo kala duwan

Share on Facebook