Gaas oo Maanta la kulmay Xubno kasocday Deeq bixiyayaasha caalamiga

0
356

Madaxweynaha Puntland Dr Abdiweli Mohamed Ali Gaas ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay xubno ka socday Deeq bixiyayaasha caalamiga ah kuwaas oo kakala socdey Dalalka England, Sweden, Finland , Australia , USA iyo Switzerland, kuwaas oo ay weheliyaan Hay’adaha UN-ka lashaqeeya sida , UNICEF , UNFPA, WHO iyo FAO.

Deeq bixiyayaasha lyo Hay’adihii lasocdey maanta ayaa waxaa ay u yimaadeen inay xog warran kasiiyaan Madaxweynaha Puntland Dr. Abdiweli Mohamed Ali Gaas Barnaamijyada ay maal geliyaan gaar ahaan barnaamij ay Wasaaradda caafimaadku hormuud ka tahay hirgelintiisa, barnaamijkaas oo layidhaahdo Joint Health and Nutrition Problem (JHNP).

Barnaamijkaas oo noqon doona mid loogu talo galay horumarinta caafimaadka iyo quudinta hooyada iyo dhallaanka, waxaana uu kamid yahay qorshaha sannadka 2015-ka la qorshaynaya in laqabto ee lagu fuliyo Puntland.

Sidoo kale Deeq bixiyayaasha ayaa Madaxweynaha Puntland Dr Abdiweli Mohamed Ali Gaas waxay warbixin ka siiyeen barnaamijkaas isaga ah ilamaa iyo hada meeshu marayo iyo sidii loo horamarin lahaa mustaqbalka dhow.

Madaxweynaha Puntland Dr Abdiweli Mohamed Ali Gaas ayaa dhankiisa waxaa uu tilmaamay kuna dhiirri geliyey Deeq bixiyayaasha caalamiga ah iyo Hay’adaha lashaqeeyaba inay gaadhsiiyaan adeeggooda iyo Mashaariicda ay fuliyaan Degaamada kabaxsan Laamiga.

Madaxweynaha Puntland Dr Abdiweli Mohamed Ali Gaas ayaa sheegay in Gobollada Sool iyo Sanaag ilgaara lagu eego sidookalena tibaaxay in ay Mahuraan tahay in reer Guuraaga iyo dadka xoola dhaqatada ah iyagana lagu daro qorshaha taakulaynta iyo adeegga mashaariicda loogu talagalay guud ahaan gobolada Puntland.