Cabasho ka dhan ah Maamulka Gobolka Banaadir {sir}

0
371

Waxaan ka codsaneynaa madaxda ay quseyso warqaddaani (Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Hantidhorka Guud ee qaranka) , oo aan garan weynay si kale oo aan ula xiriirno inay wax ka qabtaan xad gudubka iyo ku tumashada xuquuqaha shaqaalaha oo uu maamulka Gobolka Banaadir ku hayo shaqaalaha gobolka .

Dhibaatadii mushaar la’aanta shaqaalaha gobolka ayaanan weli wax laga qabtay aysan jirin. Waxaana aad noogu soo badanaya cabashada ay shaqaalaha gobolku ay ka cabanayaan mushaar xumida soo wajahday dadkaan shaqaalaha ah oo ay maanta oo ay bisha koowaad tahay 28/1/2015 aysan helin lacagtii bishii laba iyo tobnaad ee sanadkii 2014ka.

Shaqaalaha dhan ee gobolka Banaadir ayaanan helin mushaarkii bishii la soo dhaafay, iyada oo bishii kale ay dhamaan rabto, waxeyna welwel badan ka qabaan shaqaalaha gobolka inaysan heli doonin mushaarka bishii la soo dhaafay,” gobolku waxa uu ka fiicnaan jiray mushaar xumida, dad badan oo gobolka u shaqeeyana, si kalsooni ah ayey gobolka kaliya uga shaqeyn jireen, waxaad hadda arkeysaa xafiisyo buuxi jiray oo ay shaqaale badan joogi jireen oo hadda hal qof amaba laba qof ay joogaan, maadaama aysan jirin qaab loola xisaabtamo shaqaalaha gobolka” ayuu yiri mid ka mid ah shaqaalaha gobolka.

Maxaa dhaliyay in ay dhacdo mushaar la’aan? Illaa iyo hadda madaxda sare ee gobolku weli noogama aysan jawaabin waana jeclaan laheyn inuu guddoomiye Muungaab uu jawaab naga siiyo, meesha ay ka baxday lacagtii loogu talo galay shaqaalaha gobolka Banaadir ee ahaa Mushaarkoodii.

Waxaan kaloon weli garan la’nahay sababta xeer ilaaliyaha iyo hantidhowrka qaranku ay baaritaan ugu sameyn la’ yihiin cabashooyinka ka soo yeeraaya shaqaalaha gobolka Banaadir? Miyeysan shaqaalahaase aheyn dad muwaadiniin ah oo xaq u leh in wax laga qabto cabashadooda? “Waxaad u maleysaa in kala sareyn ay ka jirto nidaamka dowladda oo ninka madaxda ahi uu sharciga ka sareeyo” ayuu ku qeyliyay shaqaale ka mid ah shaqaalaha gobolka Banaadir.

Waxaan rajeyneynaa in sida ugu dhaqsiyaha badan ay xafiisyada ay quseyso cabashada ka imaaneysa shaqaalaha gobolka ay u dhaqaaqaan wax ka qabadka dhibka iyo duruufaha adag ee ay ka cabanayaan shaqaalaha gobolka Bnaadir oo ay xuquuqo badan kaga maqan yihiin maamulka sare ee gobolka Banaadir