Boko Haram oo dib looga riixay Maiduguri

0
450

Militariga Nigeria ayaa dib u riixay dagaal yahaniinta Boko Haram, balse waxaa soo baxday su’aasha ah, sidey amni ku noqon kartaa magaalada istiraatiijiga ah ee hoyga u ah kumannaan qof oo dagaalka ka qaxay.
Isla shalay, magaalo lagu magacaabo Monguno ayey qabsadeen Boko Haram.
Militariga Nigeria way ku guuleysteen dagaalkan gaar ka ah ee ka dhacay Maiduguri.

Labada dhinacba qasaaro ayaa dagaalka ka soo gaaray, sidoo kale dad rayid ah ayaa markastaa ku geeriyooda dagaallada.
Balse dagaal yahaniinta Boko Haram ayaa militarigu ay hakiyeen, dib ayaana looga riixay nawaaxiga magaalada.
Xaqiiqda ka dambeysa sababta ay magaaladan u weerareen ayaa walwal dhalisay.

Waxa ay horey u qabsadeen deegaanada ku hareereysan magaalada, waxaana jirto hal waddo oo keli ah la aamin san yahay inay nabad tahay, taaso oo gasha kana baxdo magaalada.
Maiduguri waxa ay hadda deegaan u tahay dadka ay dhibaatada ka soo gaartay dagaallada.
Tobannaan kun oo qof ayaa magaalada ku barakacay kaddib markii deegaanadii ay deganaayeenna la gubay ehelladoodana la dilay.

Dadkaasi, magaalada waxay u tahay rajadoodii ugu dambeysay ee ay ku nabad gali lahaayeen.
Weli waxaa jirto halis ah in Boko Haram ay markale isku deyi doonaan inay qabsadaan magaaladan.
Sida lagu yaqaano waxa ay qaadaan weerari xiriir ah oo jihooyiin kala duwan, taas oo caqabad weyn ay ku noqoneyso in militariga Nigeria ay difaacaan magaaladan istiraatiijiga ah