Wariyayaasha Warbaahinada Muqdisho Oo Qaati Ka Taagan Shaqsiyaad Xeran Shaarka Dowladda.

Wariyayaasha Warbaahinada Muqdisho Oo Qaati Ka Taagan Shaqsiyaad Xeran Shaarka Dowladda.
Soomaaliya waxaa lagu tiriyaa in uu yahay wadanka ugu hormarsan dhanka saxaafadda qaaradda Afrika marka laga reebo dalka Kenya oo saxaafad xooggan leh.
Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya waxaa kajira idaacado iyo Telefeshinno soo gudbiya dhacdooyinka dalka ka taagan waloow warbaahinadaasi dhammaantood aysan xaqiiqda soo gudbin balse waxaa ladhihi karaa waa warbaahin Gudata kaalinteeda.
Tan Iyo Markii Uu Hogaanka Dalka Uu La Wareegay Xassan Sheikh Ayaa Dowladda Federaalka Waxa Isku dayaysaa in ay afka qabato saxaafadda Madaxa banaan ee ka howlgasha magaalada Muqdisho Iyadoona wasaaradda ammaanka DF-ka ay diyaarisay qorshayaal lagu caburinayo saxafiyiinta wararka kasoo tebiya magaalada Muqdisho.
Waziirka Amniga Dalka Khaliif Ereg oo kaashanaya saraakiisha wasaaradda warfaafinta ayaa dajiyay qorshe gacan bir ah ku qabanaya qalabka warbaahinta sida Telefeshinada,Idaacadaha iyo Website-yada qaarkood Waxaana Qaar Ka Mid kamida wariyaasha Ay Warsom.com U sheegeen in dhowr mar uu baaqday kulan ay soo qaban qaabisay wasaaradda ammaanka oo laysugu yeeray dhammaan warbaahinta madaxa banaan ee gobolka Banaadir ka howlgasha.
Madaxda warbaahinta Muqdisho ayaa ka hor kulanka loogu yeeray Waxa Ay yeeshayn kulamo hoose oo ay kaga tashadeen mowqifka ay ka qaadan doonaan qodobada adag ee Uu Soo Saaray Khaliif Ereg
Ugu yaraana hal idaacad ayaa lasaadaalinayaa in ay qaadan doonto awaamirta caburiska ah ee dhanka wasaaradda ammaanka kasoo Yeertay waxaana idaacaddan lagu xantaa in ay 95% wararkeedu ujanjeeraan xukuumadda Xasan Gurguurte waana idaacadda ugu kalsoonida xun warbaahinta Sheegata dhax-dhaxaadnimada.
Shabakadda Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom.com ayaa Heshay Qaar Ka Tirsan ajandayaasha lagu gorfayay kulanka ugu dambayna ay wasaaradda ammaanka saxaafadda amar kusiisay in aan labaahin Karin. 1- wararka ku saabsan xarakada Al-shabaab marka laga reebo in labaahin karo haddii ciidamada Dowladda Iyo Kuwa AMISOM ay qabsadaan magaalo XSHM ay horay umaamulaysay 2-in warbaahintu aysan faafin Karin shirar jaraa’id oo ka dhan ah DF-ka sida siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo beelaha diidan takrifalka Dowlada. Laba idaacadood oo madax banaan ayaa albaabada loo laabay kadib markii idaacaddaasi ay wareysatay Axmed Daaci oo ku dhiiraday in uu iska caabiyo ciidamada AMISOM iyo Kuwa Dowlada Siyaasiyiin Madaxbanaana Dhowr Jeer Xabsi Loo Taxaabay Iyadoona Ay Jirto In Wali Uu Xabsi Ku Jiro Mid Ka Mid Ah Siyaasiyiinta Dalka Oo Lagu Magacaabo Cali Tima Jilic waxaana lafilayaa in maxkamad lasoo taago agaasimayaasha shabelle iyo SKY News.
Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in Xasan Sheekh uu talooyin ka helay hoggaamiyaasha Digteetarada Jabuuti,Itoobiya iyo Uganda oo aysan kajirin wax warbaahin madax banaan ah balse Soomaaliya ayaa wadamadaasi ka duwan sababtoo ah waa dad war ku noolayaal ah oo dhacdooyinka iyo siyaasadaha isdiidan si fudud ku heli kara Waxaana Ka Jirto
Dunida casriga Sharci warbaahinta lagu caburin karin sababtoo ah waxaa soo baxday warbaahin bulshadu kuwada xariirto waxaana sahlan in dadku daalacdaan websiteyada iyo baraha bulshada mana jiri doonto war qarsooma oo Muqdisho ku saabsan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in wariyaal caan ka ah soomaaliya ay ka biya diideen qodobadan waxaana lafilayaa in ismariwaa uu ka dhax dilaaco bahda saxaafadda Muqdisho iyo Madaxda Dowlada Soomaaliya.

Share on Facebook