Dowladda Britain Oo Ku Baaqday Xalinta Khilaafka Madaxda Dowladda Federaalka.

0
337

britain-europe1Warsaaxafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha dibada ee dalka Britain ayaa lagu sheegay in ay walaac xoogan ka qabaan khilaafka xoogaystay ee u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka Soomaaliya hadana maraya kala qaybsanaanta baarlamaanka.

Dowladda Britain ayaa sheegtay in ay walaaca ay ka qabto khilaafkan uu yahay mid ku dambayn kara kala go’ iyo in madaxda dowladda ay hiigsan danta dadka Soomaaliyeed iyo dalka ee ah kala dambayn, nabad galyo iyo hormarka bulshada.

Britain waxay sheegtay in wax laga xumaado ay tahay khilaafkan iyadoo lagu guda jiro hirgelinta barnaamijka Hiigsiga Cusub 2016 sidoo kalana todobaadka xiga lagu balansan yahay shirka ka furmaya magaalada Copenhagen ee dalka Denmark.

Britain waxay sheegtay in xalinta khilaafkan uu yahay mid looga baahan yahay madaxda is haysata oo ay isu tanaasulaan kana shaqeeyaan danta umadda Soomaaliyeed iyo hirgelinta barnaamijka hiigsiga cusub ee 2016ka oo ah barnaamij Soomaaliya gaarsiin kara dowladnimo rasmi ah.

Ugu dambayn warka Britain ayaa lagu cadeeyey in Britain uu weli sii wado gacan siinta dowladda iyo dadka soomaaliyeed isagoo kala shaqaynay hormarka iyo dowladnimada, Sidoo kale waxay sheegtay in ay ilaalinayso madax banaanida dadka iyo dalka Soomaaliya.

Dowladda Britain ayaa ku biiraysa dowladda sida aadka walaaca uga muujiyey khilaafka hareeyey madaxda sare ee dalka iyo xildhibaanada Soomaaliyeed oo ukala qayb samay laba dhinac.