“Xasan Sh.Max’uud” Waxaan La Mid Ahay Muwaadiniinta U Sharaxan Doorashada Madaxtinimo Ee 2016

0
337

xasanXasan Sheekh Maxamuud oo caawa ka qeyb galay Barnaamij dood ah oo ku saabsaneyd waxqabadka dowladda mudadii labada sano ee ay jirtay, kaasoo ay soo qaban qaabisay machadka daraasaadka Siyaasada ee Heritage, waxaana uu ka jawaabay su’aalo ay weydiinayeen dadweyne kala duwan oo isugu jiray, aqoonyahano, siyaaiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Doodan oo si toos ah uga baxeysay Telefishinka Qaranka ee SNTV ayaa Madaxweynuhu ka hadlay arrimo badan oo jawaab ahaa su’aalo laga weydiiyay xaalada siyaasadeed ee dalka, arrimaha bulshada.

Madaxweynaha oo la weydiiyay su’aal aheyd inuu yahay musharax ayaa sheegay inuu yahay Musharax u taagan doorashada 2016, sida muwaadin kasta oo Soomaaliyeed uu musharax u yahay, isagoo cadeeyay in hadii laga guuleysto uu diyaar u yahay inuu wixii qibrad ah ku kordhiyo shaqsiga la doorto.

“Waxaan ahay musharax u taagan sanadka 2016 doorashada dhici doonta, sida muwaadin kasta ee Soomaaliyeed uu musharax u yahay, hadii la iga guuleystana waxaa diyaar u ahay inaan wixii khibrad ah ku kordhiyo shaqsiga la doorta”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo mar kale muujiyay sida uu diyaarka ugu yahay inuu mar kale xafiiska ku soo laabto.

Mar la weydiiyay dhawaaqa ka soo yeeray ee bixitaanka AMISOM ee sanadka 2016 ayuu sheegay in AMISOM mar walba dalka ka bixi laheyd, hase ahaatee joogitaankeeda xilligan ay keentay daruufo xag amni, iyo in Soomaaliya ay gabaad u noqotay Argagixisada, meelo looga duulana ay noqotay dalalka deriska, ayna doonayaan inay taariikhdaas
baabi’iyaan.

Waxaa uu soo hadal qaaday waxyaabihii u qabsoomay dowladiisa mudadii labada sano, waxaana uu rajo ka muujiyay in labada sano ee soo socota ay gaaraan yoolkooda, ayna u qabsoomaan arrimo badan.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in aanay marna raali ka aheyn in si sharci daro ah inay dalka howlo shidaal baaris ah uga sameeyaan shirkado shisheeye, isagoo adkeeyay baaq ka soo yeeray Wasaarada Batroolka ee ahaa in aanay shirkad aan fasax u qabin ay howlo shidaal baaris ka bilowdo Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka jawaabay su’aal ku aadaneyd arrinta muranka ku saabsan badda, isagoo cadeeyay in kenya ay calaameysatay qeyb ka mid ah Badda Soomaaliyeed, ayna dooneyso inay goosato, waxaana uu xusay in taas ay dacwad ka gudbiyeen, isagoo qiray in haatan ay socoto howlo shirkado shisheeye ay sahmin ugu sameynayaan qeybta badda ee lagu muransan yahay.