Ma Dhab Wararka Sheegaya In Taliyihii Nabad Sugidda C/laahi (Sanbaloolshe) Uu Xabsiga Ka Sii Daayay (Axmed Daaci)

axmed-daaciSida Aynu Ku Helnay Warar Aan Wali Shaacin In Taliyihii Hay’adda Nabad Suggida Qaranka C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) uu xalay xabsiga ka sii daayay Axmed Xasan Cadow (Axmed Daaci) Oo Ah Gudoomiyihii hore ee Degmada Wadajir.

Gudoomiyihii hore ee Degmada Wadajir Axmed Daaci, ayaa 15-kii bishii hore ee August lagu xiray Dhismaha Habar Khadiija ee Degmada Shibis, ka dib dagaal kulul oo uu kala horyimid Ciidamada Dowladda iyo Amisom, xilli ay doonayeen in hub ka dhigis Ay ku sameeyaan.

Xilli Golaha Wasiirada ee Somaliya 7-dii bishaan,ay xil ka qaadis ku sameeyeen Sanbaloolshe,ayaa Maanta La Xaqiijiyey In dib xoriyadiisa uu u siiyay Axmed Daaci.

Masuul Ka Tirsan Dowlada Ayaa Warsom.com U sheegay in dib xoriyadiisa uu u helay Axmed Daaci, isla-markaana uu sii daayay Sanbaloolshe Oo Ahaa Taliyihii Nabad Sugidda qaranka Soomaaliya Xilkana Ay Si Dirqi Ah Kaga Qaadeen Golaha Waziirada.

Share on Facebook