Ciidamada Nabad Suggida Oo Jirdil U Geysatay Wariye Maxamed Bashiir Xaashi Qeyrre

0
554

mbashirMadaxii Wararka ee Idaacada Shabelle Maxamed Bashiir Xaashi, oo Sabtidii laga qabtay Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho Ayaa Maanta Waxaa La Sheegay In Ciidamada Hay’adda Nabad Suggida ee Gobolka Banaadir,Ay jirdil xoogan u geysteen.

Xoogag wejiyada soo duubtay oo watay gaari Kaarib oo bilaa taarigo ahaa, ayaa waxay Maxamed Bashiir xoog kaga wateen KM4, iyagoo qalqal geliyay dadkii xilligaa maraayay wadada. Kolkii Wariyaha la kaxeysanaayay dadku waxay u fasirteen in qafaal lagula kacay.

Nabad Suggida oo Wariyaha ku heyso Xabsiga Godka Jilacow ee Degmada Boondheere, ayaa waxay u geysatay jirdil xoogan, iyadoo ay ka muuqaneyso waxyeelada ka soo gaartay jirdilka ka dhanka ah.

Ilo muhiim ah oo lagu kalsoonaan karo, ayaa Dhacdo.com u sheegay in jirdilka Wariyaha loo adeegsaday feer, laad iyo koronto lagu qabtay, lamana garanaayo waxa dhabta ah ee Suxufigaasi lagu heysto.

Suxufiga oo xiran in ka badan 80 saacadood, ayaa waxaan jirin wax Maxkamad ah oo la soo taagay, bal si uun loo ogaado waxa Hay’adda Nabad Suggida ku heysato Suxufiga 7-aad ee Dowladda u xiran. Dastuurka Somaliya ayaa qaba inaan muwaadinka xabsiga lagu hayn karin wax ka badan 24 saacadood, mudadaasina lagu soo kala cadeeyo waxa uu geystay.