Gudoomiyaha Gobolka Gedo Oo Eedeymo Kulul U Jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya

0
323

gedo
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Gedo ee Dowladda Maxamed Cabdi Kaliil, ayaa waxa uu eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo maanta gaaray Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Gudoomiyaha oo xilligaan ku sugan Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu daboolka ka qaaday inaanu waxba kala socon safarka uu Madaxweynuhu ugu amba baxay Magaalada Garbahaarey, isla-markaana aanu la soo socodsiin.

Wuxuu kaloo sheegay in marar badan uu Madaxweynuhu ku soo wargeliyay xaalada bini’aadanimo ee ka jirta Gobolka Gedo, ha yeeshee aanu waxba ka qaban, sida uu hadalka u dhigay.

Isagoo la hadlaayay Idaacada Shabelle ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu si adag u yiri “Indhihiisa haku soo arko dhibaatada ka jirta Gobolka Gedo, cabasho badan oo aan u soo gudbiyay waxba kama qaban.”

Maxamed Cabdi Kaliil waxa uu muujiyay sida uu u saluugsan yahay socdaalka Madaxweynaha Somaliya uu maanta ku tagey Magaalada Garbahaarey, iyadoo aanu Madaxweynuhu ku soo wargelin.

Madaxweynaha Somaliya waxaa socdaalkaan ku wehlinaaya Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiil Ciidan, waxayna xilligaan ku sugan yihiin Xarunta Degmada.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa muddooyinkaan dambe lagu eedeynaayay in Dowladdiisu ka gaabisay, xaalada adag ee ka jirta qaybo ka mid ah Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ee Somaliya.