Nabadoon Axmed Diiriye oo si xamaasad leh kaga hadlay dagaalada Gobolka Shabellaha Hoose

Afhayeenka Odayaasha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali, ayaa wuxuu ka hadlay xiisad ka taagan qaybo ka mid ah Gobolka Shabeellaha Hoose, ee u dhaxeyso labada beelood ee ku wada dagaalamaaya.

Nabadoon Axmed Diiriye Cali wuxuu sheegay in xilligaan Ciidamada heysta Magaalada Marka, ay ka tirsan yihiin Maamulka Shabelle State sida uu yiri, iyadoo uu ku baaqay in Maamulkaasi looga dambeeyo Maamulida Magaalada Marka.
th
Waxa uu tilmaamay inaanay jiri doonin cid hoygiisa loogu tagaayo, waxyeelana loogu geysanaayo, isla-markaana uu sidaa ammaanku ku sugan yahay, wuxuuna ku baaqay in loo daayo Maamulka Shabelle Sate.

Sidoo kale wuxuu soo jeediyay inaan looga darin ammaanka ay maanta ku nool yihiin shacabka ku dhaqan Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose, haddii nin kasta uu ammaan ku jooggo hoygiisa.

Axmed Diiriye, ayaa xusay in dhibaatada ka oogan Gobolka Shabeellaha Hoose, ay ka dhalatay Nidaamka Federalism-ka, iyadoo ay u muuqdaan inay ku hardamayaan Maamulada Baydhabo looga dhawaaqay iyo Shabelle State.

Isagoo wareysi siinaayay Idaacada SKY NEWS ee Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu xusay in 80% Gobolka Shabeellaha Hoose ay degto Beelweynta Hawiye, sida uu hadalka u dhigay.

Maamulka Shabelle State, ayaa waxaa Madaxweyne u ah Muxudiin Xasan Afrax, iyadoo uu Ku Xigeenkiisuna yahay Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Abuukar Cabdi Cismaan (Mardaadi).

Nabadoon Axmed Diiriye Cali wuxuu ku baaqay in Cadaalad looga taliyo Gobolka Shabeellaha Hoose, haddii kalana aynaan jiri doonin cid wax kaga macaashta in la dagaalamo.

Dhanka kale Axmed Diiriye, ayaa waxaan u cuntamin in Beesha Biimaal ay sheegato milkiyada Gobolka Shabeellaha Hoose, isagoona meesha ka saaray meel kore ay kaga timid Beesha Habargidir.

Axmed Diiriye, ayaa ku waramaaya haddii Beesha Biimaal ay iyadu lee dahay Shabeellaha Hoose, in looga fadhiyo inay ka adkaato cidda ku soo duushay, haddii aynaan lahayna ay ka mid ahaadaan dadka Deegaanka.

Waxa uu ku eedeeyay inay beeshaasi ka soo horjeedo in nabadgelyo lagu wada degganaado Gobolka Shabeellaha Hoose, halka beelaha kalana sida uu sheegay ay doonayaan, in la wada noollaado.

Waxa uu sidoo kale uu Beesha Biimaal ugu baaqay inay ku xisaabtanto tirada iyo cadadkeeda, iyadoo uu kula taliyay inay ku biiraan Maamulka Shabelle State amaba Maamulada is diidan ee Baydhabo looga dhawaaqa

Share on Facebook