Muungaab oo ku soo laabtay Muqdisho+SAWIRO

0
355

Wafdi ballaaran uu hogaaminayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muugaab oo ku sugnaa Dalka Turkey ayaa maanta dib ugu soo laabtay Dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Wafdi Xasan Maxamed Xuseen Muugaab, Duqa Magaalada Muqdisho ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Caasimada Muqdisho waxaa ku soo dhaweeyay 17 Guddoomiye ee Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Xubno kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka.

Duqa Magaalada Muqdisho iyo Wafdigiisa ayaa u baqoolay dhanka Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee Degmada Hiliwaa halkaasi uu Saxaafad kula hadli doono islamarkaana uu uga warbixin doono waxyaabihii uga soo qabsoomay Dalka Turkuga.

Xasan Maxamed Xuseen Muugaab, Duqa Magaalada Muqdisho ayaa 6-da Bishan ee June waxuu dhiggiis Mr Kadir TOBAS kula kulmay Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga waxaana xusid mudan in labada Mas’uul ay wada faaqideen sidii loo sii dar-dar galin lahaa howlaha mataanaynta labada Magaalo.

DSCF0452 DSCF0449 DSCF0446 DSCF0455 DSCF0453 DSCF0475 DSCF0478 DSCF0485 DSCF0456 DSCF0467 DSCF0506 DSCF0448 DSCF0526 DSCF0517 DSCF0513DSCF0506