Kenya oo Caawa lagu kala cararay // Xaalada oo kacsan

0
363

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Dalka Kenya ayaa sheegaya in Caawa Magaalada Mombasa ay gashay Xaalad kacsanaan ah kadib markii maanta halkaasi lagu Dilay Wadaad caan ahaa.

Ciidamada Booliska Kenya ayaa bilaabay howlgallo ballaaran oo lagu qab qabayo Dadka Degaanka Iyadoona Dadkaasi qaarkood lagu eedeenayo ka mid ahaanshaha Ururka Al Shabaab.

Howlgallada Booliska Magaalada Mombasa ayaa waxuu qal qal iyo cabi ballaaran geliyay Soomaalida ku nool Magaaladaasi maadaama Soomaalida inteeda badan lagu eedeeyo Al Shabaabnimo iyo falalka amaanka ka baxsan.

Waxaa Goobjooge Caawa la hadlay Garoowenews Online uu sheegay in Howlgalladan lagu qab qabtay Dadka Degaanka islamarkaana ay u badan yihiin Soomaali kuwaasi oo qaarkood lagu tuhmayo Dil maanta loo geystay madaxii ururka Imaamyada Kenya.

Xaalada ayaa kacsan waxaa kala orod baahan uu soo wajahan Soomaalida ku nool Magaalada Mombasa maadaama ay ka cabsanayaa dhibaatada ay Ciidamada Booliska Kenya ay u geysanayaan hadii ay ku qabtaan Howlgallada ka socda Mombasa.rabshado1