Hooyada dhasahay wiilkii Soomaaliga ee diyaarada lugaheeda galay oo loo hanjabay

Hoyaada dhashay wiil Soomaali ah oo ku safray tayarada hoose ee diyaarad u kala sarfaysay Gobalka California iyo Hawaay ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay in ay isaga carartay Xeradii qaxootiga ay ku jirtay kadib markii hanjabadyo loo soo diray.

Hooyada oo lagu magacaabo Ubax Maxamad Cabdulle oo ku jirtay Xero Qaxooti oo ku taala dalka Ethiopia ayaa Warbaahinta u sheegtay in loo soo diro hanjabaadyo kala duwan oo loogu hanjabayo in la dili doono, iyadoo intaasi ku dartay in ay u malaynayso in waxa u soo hanjabaya ay yihiin yahay ehelada Saygeedii hore e Cabdullahi Yuusuf ee dhalay wiilka diyaarada ku safray tayaradeeda.

Sarkaal ka tirsan Masuuliyiinta Xerada qaxootiga ee ay ku jirtay Ubax oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Cabaas Cumar ayaa warfidiyeenadda u sheegay in Ubax Maxamad Cabdulle ay isaga baxday Xerada qaxootiga ee Sheeddheer kadib markii loogu hanjabay in la dili doono.

Ubaxa ayaa ahayd Hoyadii dhashay Yaxye Cabdi, oo 15,sano jir ah kaas oo bishii April ee sanadkan ku safray tayada Diyaarad hoosteeda kuna jiray mudo 5 saaac ku dhawaad ah .download-91-150x150

Share on Facebook