Guddoomiyaha Magaalada Marka oo sheegay inuu xilka ka dagayo, hadii xalka Gobalka Sh.hoose uu ku jiro

0
397

Guddoomiyaha Magaalada Marka Maxamed Cusmaan (Yariisoow) ayaa sheegay inuu xilka Guddoomiyenimo ee Magaalada Marka uu ka tagayo, hadii uu ku jiro xalka Gobalka Shabeelaha Hoose. Mr. Yariisoow oo la hadlay Idaacada Risaala, ayaa wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay inuu baneeyo xilka Guddoomiyenimo ee Magaalada Marka, hadii buu yiri shacabka deegaanka iyo Dowladda oo xilka udhiibtay ay ku amraan inuu meesha baneeyo. “Aniga Haa Haa nin nabadda Jecel ayaan ahay s6harciga ayaan aqaanaa waxaana ahay nin sharaftiisa ilaashanaayo nin Alle ninkii sharci ku yimaado waan la shaqeynaa Dowladda ayaa iidhiibatay maamulka hadii Deegaanka iyo Dowladda ay idhahaan meesha ka tagay waan ka tagayaa ninkii la keenana waan la shaqeynayaa”Ayuu yiri Guddoomiyaha Magaalada Marka. Maxamed Cusmaan (Yariisoow) Guddoomiyaha Magaalada Marka ayaa la weydiiyay su’aal aheyd inuu la shaqeynayo hadii Guddoomiye Marka looga dhigo qof kasoo jeeda Beesha dagaalka uu hada kala dhaxeeyo, ayaa wuxuu ku jawaabay inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo mar hadii xalka Gobalka Shabeelaha hoose la helayo. Mar uu sharaxaye waxyaabaha sida rasmiga ah la isugu haysto ee keenay dagaalka culus ee Gobalka Shabeelaha hoose ka dhacay, ayaa wuxuu ku tilmaamay inay tahay inaan loo madaxbanaaneysiin isaga, maamulada tuulooyinka Hoostaga Degmada uu isaga maamulo ee Marka taasina ay tahay arin qalad ah oo keentay Dagaalka. Dowladda Soomaaliya ayaa wafdi Wasiiro ah udirtay Magaalada Marka ee xarunta Gobalka Shabeelaha hoose si xal looga gaaro dagaalada qabaai’ilka ku saleysan ee Gobalka Shabeelaha hoose ka dhacaye. Xaalada Magaalada Marka iyo deeganadii lagu dagaalamay Todobaadkii aan soo dhaafnay ayaa degan, waxaana taasi soo dhaweeyay Odayaasha qaar ee labada dhinac kasoo kala jeeda. Nagala Soo Xiriir dhacdo@hotmail.com ama dhacdo@gmail.com Warar Update ah 24-ka Saac Kala Soco MuqdishoNews.com Warar kala duwan kala soco MarkaStars.com